SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kenya oo Lagu Eedeeyay in Lacag ay ka Helaan Dhoofinta Dhuxusha Soomaliya

 

Warbixin ay soo Saartay Kooxda Qaramada Midoobay u qaalbilsan la socodka cunaqabateynta hubka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka faaiidaan islamarkaana ogolaadaan in si sharci darro ah dekedda ay ka taliyaan lagaga dhoofiyo dhuxusha.


Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la sheegay in helaan $ 2 oo u dhiganta (Sh202) halkii kiish oo dhuxul ay ka raran dekedda magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Warbixinta kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay sidoo kale in ilaa lix milyan oo jawaan oo dhuxul ah laga dhoofiyo sannad walba Magaalooyinka Kismaayo iyo Buur Gaabo, dekedda kale oo ka mid kuwa ay gacanta ku hayaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa markaa laga yaabaa in sidaas ay faaiideen ku dhawaad $ 12 million oo ah (Sh1.2bn) shillinka kenya sanadkii ee dhoofinta dhuxusha ay mamnuucday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadkii 2012-kii taasoo ah dadaal lagu gooynayay maalgelinta Xarakada Al-Shabaab oo xiligaas ku sugneed Gobolada Jubooyinka.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®