SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-shabab oo Madaafiic ku garaacay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Sh/ Dhexe

Al-Shabaab ayaa Saaka aroortii Madaafiic xoogan ku garaacay saldhiga ciidanka dowladda Burundi ee qeybta ka ah howgalka AMISOM ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in madaafiic iyo sidoo kale weerar ay ku qaadeen saldhiga ciidanka AMISOM ee deegaanka Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu Yaraan 7 madfac ayay sheegeen Al-Shabaab in ay ku dhufteen saldhiga ciidanka AMISOM.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Saaka ay kusoo kaceen daryanka Madaafiicda Al-Shabaab ay ku garaacayeen saldhiga ciidanka ciidanka AMISOM.

Saraakiisha ciidanka AMISOM wali faahfaahin kama bixin madaafiicda ay saaka aroortii ku garaaceen Al-Shabaab deegaanka Ceel Baraf.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®