SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kenya oo baaritaan ku haysa ajaanib ku biiri rabtay Al-shabab

Maxkamad ku taala magaalada Mandera ayaa u ogolaatay Booliska la dagaalanka argagexisada in 3-qof ay gacanta kusoo dhigeen ay heestaan mudo 7-maalmood ah si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Sedexdaan qof oo labo kamid ah ay kasoo jeedan Uganda mid kalana yahay Kenya ayaa lagu kala magaacaba Makoba Asman ,Amos Ntege iyo Abdi Issack Aden kuwaasi oo ku xiran saldhiga booliska Mandera.

Taliyaha booliska magaalada ayaa sheegay in sedexdaan qof laga soo qabtay xadka Soomaaliya 28-ka bishii tagtay iyagoo damacsana inay ka gudbaan xadka.

Baaritaanka horu dhaca ah ayaa muujinaya in safarkoodi ujeedkiisa ahaa inay ku biiraan xarakada Al-shabab.

Baarayasha ayaa waxa ay sheegayan in labada qof ee kasoo jeeda Uganda ay fasax ku joogeen dalka Kenya ayna damceen inay Soomaaliya u soo safraan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®