SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Masuul sheegay in Dowladu aysan la socon derbiga ay Kenya ka dhisayso Xadka labada Dal

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Sooomaaliya ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ka gaabisay iney ka war heyso derbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka ay Soomaaliya la wadaagto.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda ay ku mashquulsan yihiin Siyaasadaha gudaha isla markaana ay Kenya bilowday iney dib usoo celiso qorshihii ay ku dhisaysay derbiga .

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Kenya loogu joojin lahaa qorshaha ay wadato isla markaana ay ka hortagayaan.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay iney dhisto Derbiga balse Dowladda looga baahan yahay iney go’aan adag ka qaadato arrintaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto in Kenya laga joojiyo qorshaha ay wadato.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®