SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Xasan oo sheegay in ay ka Go’antahay Difaaca Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mahamud oo kulan la qaatay madaxda Saxaafada Soomaaliyeed ayaa Hambalyo u diray dhamaan Suxufiinta shaqada adag u haya bulshada Soomaaliyeed oo uu sheegay in nafsadooda ay huraan sidii bulshada loo gaarsiin lahaa warar iyo warbixino sax ah oo ka turjumaya baahida dalka iyo dadka Soomaaliyeed xili maanta ay ku beegan tahay maalinta Saxaafada 2-November.

Madaxeynaha ayaa xusay in muhiim ay tahay in la soo afjaro tacadiyada ay la kulmaan Wariyaasha Soomaliyeed wuxuu sidoo kale sheegay in dowladiisu ay samata bixisay mudadii ay jirtay Saxaafada Soomaliyeed waxuuna ugu baaqay in dadaalkooda iyo nafhuridooda in ay horay u sii wadaan.

Xarunta madaxdooyada villa Somalia ayaa xalay waxaa lagu qabtay xaflad lagu martiqaaday madaxda warbaahinada dalka oo lagu maamuusayo maalinta Saxaafada dunida 2-November, iyadoo madaxdii ka qeyb gashay madaxweynaha uu ka dhageystay qudbadoohda iyo dhamaan baahidooda warbaahineed ee iminka dalka ka jirta.

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo kale 2-November waxa ay u asteesay in loo aqoonsado maalinta saxaafda aduunka si loo afjaro tacadiyada kala duwan ay lukulmaan Saxaafada Soomaaiya iyo tan dunida ka howlgashada.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®