SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddiga Doorashada Puntland oo Kasoo Horjestay Amar Kasoo Guddiga Xalinta khilaafaadka

Xili shalay Guddiga xalinta khilaafaadka Maamulka Puntland ay shaaciyeen in la joojiyey doorashada xildhibaanada aqalka hoose dowlad Goboleed puntland ee illaa shan beelood ayaa arintaan waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Guddiga doorashada dadban ee Federaalka iyo kan heer Puntland oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe.

Guddoomiyaha Guddiga heer Puntland ee xalinta Khilaafaadka Xaaji Abuukar Cismaan Cabdi ayaa shalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ka sheegay inay soo gaareen Dacwado badan oo lidi ku ah ergooyin shalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka heer Puntland.

Afhayeenka guud ee Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal Maxamed Keynaan iyo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Heer Puntland Khaliif Aw-Cali ayaa si wadajir ah u sheegay xalay in dhawaan la dooran doono Xildhibaanada aqalka hoose u matalaya beelaha Soomaaliyeed, isla markaana aysan waxba ka jirin go’aankii ay sheegeen Guddiga Xalinta.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®