SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Diyaarado Dagaal oo Xalay Duqeeyay Qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in xalay saqdii dhexe tuulooyin hoos yimaada deegaanka Bariire ee degmada Awdhiigle ay duuqeeyeen diyaarado dagaal oo ilaa haatan aan la ogeyn halka laga leeyahay.

Wariyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee idaacadda Simba Cumar Wardoon ayaa kusoo waramaya in xalay saqdii dhexe deegaankaas laga maqlay duqeyn ay fuliyeen diyaarado dagaal, waxaana la xaqiijiyay in goobaha la duqeeyay ay saldhigyo ku leeyihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay duqeynta laga fuliyay tuulooyinka hoos yimaada deeganka Bariire ee degmada awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa sidoo kale aan jirin war kasoo Pantegon-ka Mareykanka oo lagu xaqiijinaayo in diyaaradaha mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen deegaankaas.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®