SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Saakay iyo Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Magaalada Qandala

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalo xeebeedka Qandala ee Bari ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay gaabiga ku hayaan ciidanka maamulka Puntland , islamarkaana shalay gelinkii dambe ay ka dhaceen duqeymo ay geysteen ciidanka NATO oo habeen hore kusoo dhawaaday Xeebaha Magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Mid ka mid dadka Deegaanka ayaa sheegay Duqeynta in ay fuliyeen Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan xeebta Magaalada Qandala waxaana la sheegaya bartilmaameedkooda in uu ahaa Daacishta ku sugan Magaalada Qandala.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma xaqiijin karo Duqeynta ay Magaalo xeebeedka Qandala ka fuliyeen Maraakiibtan ay wataan Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya khasaaraha ka dhashay.

Xaalada Magaalada ayaa saaka kacsan waxaana la sheegaya in qeybo ka mid ah Magaalada ay burburiyeen duqeynta ay geysteen ciidanka NATO.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®