SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/11/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Muslimiinta iyo Masiixiyiinta xerada Calais ee Faransiiska oo dagaallamay

Xerada Calais waxaa laga saaray dadka qaxootiga ee ku noolaa, waxaana la geeyay qeybaha kale ee Faransiiska.

Booliska rabshadaha ka hortaga ee dalka Faransiiska ayaa gaaray xerada Calais ka dib markii uu halkaasi ka bilowday dagaal u dhexeeya masiixiyiinta Eritereya iyo Muslimiinta Afghanistan.

Dadka ku dagaallamaya xeradaasi qaxootiga ayaa u badan dhallinyaro.

Booliska waxa ay sheegayaan in qiyaastii boqol qof ay rabshada ka qeybgaleen.

Tobannaan ka mid ah masiixiyiinta Eritereya ayaa waxa ay gabaad ka dhigteen kaniisad laga guuray oo ku taalla halkaasi.

Inta badan xerada Calais waxaa burburiyay ciidamada dalka Faransiiska.

Balse, qiyaastii 15 kun oo ka mid ah dad keligood ah ayaa la dejiyay konteenaro.

Maamulka dalka Faransiiska ayaa dadkan u kala kexeyn doona qeybaha kale ee dalkaasi laga billaabo maanta.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®