Qeybtii
15-aad
NINKII SAFARKA AHAA
Baribaa nin safara wuxuu soo galay magaalo uusan aqoonin
oo dadkeeda uusan qofna kagaranayn, mana haysanin lacag
fiican oo uu kunoolaado shilimaad yar mooyee aadna wuu ubaahnaa
markii uu magaalada soo galay cunto uu cunana aad buu urabay
sidoo kalana dameerkiisii uu watay aad buu ugaajaysnaa ,sidaa
darted arintiisa wuxuu kala tashaday nin odaya oo magaalada
daganaa ,arintiisii buu ufaahfaahiyay wuxuuna kacodsaday
in uu tuso cunto raqiis ah oo isaga iyo dameerkiisuba ay
wada cunaan .wuxuu ninkii kula taliyay inuu qara soo iibsado
wuxuuna kuyiri qaruhu adiga iyo dameerkaagaba calaf buu
idiin yahay oo waa kuu cunto iyo cabid dameerkaagana qoloftiisu
waa u cunto .
Labadii Nin ee
Isku qabsadey Lacagata iyo Ninkii Caaqilka ahaa
Beri baa laba nin oo gedisley ah oo subagga ka ganacsada
ayaa wax isku yeeshay. Mid ka mid ah ayaa maalintii dambe
saaxiibkiisii kale ku yiri hebelow xoogaagi lacagta ahaa
ee xagaaga iga soo jiray I sii, hase yeeshee ninkii wuu
ismoogaysiiyey, ugu dambeyntiina wuuba inkiray inuu wax
lacag ah uu ku lahaa oo ay xagiisa soo jirtay. Labadii nin
khilaaf baa soo kala dhex galay, wayna isku buuqeen, hase
yeeshee waxay isula tageen qo garsoore ah oo kala gura,
ninkii markuu labadii nin xaaladooda waraystay mid walba
sheekadiisii run buu u ekaysiiyey, wuxuuna garan waayey
garsoorihii si uu arrintaa u xukumo, hase yeeshee nin caqli
badnaa oo magaalada dhinac kaga noolaa ayaa arrintii kala
tashaday nimankiina waqti kale ayuu balansaday, ninkii caqliga
badnaa wuxuu yiri "aniga ayaa arrinta xalinaya laakiin
muddo todobaad ah I sii.
Labadii nin ayuu mid kasta wuxuu u geeyey teneg subag ah
oo min 30 kiilo ah, oo mid kasta lagu dhex riday 30 shilin
oo caddaan ah, nin walbana wuxuu ku yiri "Saaxiib subagan
ii iibi, lacata aad ku gadana ii keen anaa ku siinaya khidmadaadee"
ninkii ninka lacagta ku sheeganayey tanagii loo dhiibay
markuu soddonkii kiilo min shil ku gaday ayuu misana wuxuu
tanagii ka dhex helay 30 shilin oo caddaan ah, 60-kii shilin
ayuu ninkii u wada keenay, wuxuuna ku yiri; "soddonkan
shilin Subigii ayaan ku gaday, soddonkan kalena tanagay
kaaga dhex luntay" intuu ka qaatay oo adeegiisiina
siiyey ayuu wuxuu hoosta ka ogaaday in ninkani yahay daacad.
Ninkii kale ayaa u yimid wuxuuna u keenay 25 shilin oo
wuxuu ku yiri "subagii wuxuu noqday 25-kaa shilin,
shaqadaydiina adiga ayaa lagaa rabaa."
Ninkii caaqilka ahaa islamarkiiba wuxuu u tagay ninkii
qaadiga ahaa wuxuuna u sheegay in labada nin midka ay wax
ka maqan yihiin uu run sheegayo kan kalena uu been sheegayo,
sidii ayaana lagu xukumay.
CUMAR BEENAALE
Beri baa wiil ari jir ah wuxuu caado ka dhigtay maalintii
markuu ariga jiro inuu ku qayliyo intuu geed fuulo, war
Isoo gaaray….. arigii yey baa dhamaysayey….
Dadku markay arrintaa maqlaan intay warmahooda iyo ulahooda
suu qaataan ayey u soo gurmadaan, hase yeeshee markay meeshii
yimaadaan arrintaa way ku hungoobaan oo been bay noqotaa,
iyagoo ka xun lugooyada iyo beenta loo sheegay ayey dib
guryahooda ugu soo noqdaan, hase yeeshee dhowr mar ayuu
cumar beenaale dadkii sidaa ku soo lugooyey isagana caado
ayuuba ka dhigtay inuu maalin walba sidaa sameeyo, marka
ay dadku ku yiraahdaan war aaway yeyda iyo bahalada aad
sheegaysana wuxuu yiraahdaa waa beentay oo waan idinku ciyaarayey,
hase yeeshee maalintii dambe isagoo cumar beenaale arigii
la jira ayaa yeydii soo weerartay, qeylo ayuu afka furtay
hase yeeshee dadkii wax dheg jalaq u siiyey ma jirin,or
iyo dhaar ayuu isku daray haseyeeshee afka inta loomaroojiyey
ayaa lagu yiri ceebtiisa ma ahee waa cadfadiisa, markaasaa
qofkastana iska ag maray, cumar markuu ogaaday in dadkii
aanay waxbo ka rumeysaneynin arigiina uu ogaa sida ay yeeydii
u rafaadineysay ayey la noqon wayday, markaasuu intuu aad
u qayliyey misana dhulka isku galgaliyey, markaasay dadkii
ku yiraahdeen waryaa maxaad caradda ugu rafaneysaa , ma
beentaadii ayaad weji cusub u yeeshay, markaasuu cumar oo
rabay in mar kelya lala hadlo yiri war weligay anigoo been
sheegayo waad arki jirteena anigoo dhulka isku galgalinayo
ma aragteen, dadkii markaas ayey gareysteen oo intay warma
hoodii qaateen arigii yeydii ka celiyeen, maalintaas ka
dibna cumar been dambe ma sheegin.
Qeytbtii
14-aad halkaan ka Aqriso
Lasoco Qeybta Xigta
todobaadka Danbe ama Axada Danbe
Fiirio Gaar ah:
Waxaa Qorey Cabdulqaadir Nuur
Xuseen (Maax)
Wixii talo ama fikrad ah oo la xiriira Buugyarahan
waxaad igala soo xiriiri kartaan Cinwaankayga ah:
E-Mail: cabdiqadirnur@hotmail.com
Tel:00 2522-4150 622