Masuuliyiin Soomaaliya iyo dunidaba caan ka ah oo isku khilaafay waxa laga yeelayo dadka Soomaaliyeed ee baaba . war bixin la xariirta hab dhaqanka Dowladda Liibiya (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Hawiyinimo ka doortey?!!!.(Riix halkaan)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed, hala sugo(Riix halkaan)
58 qof oo Ciidamada Ethiopia ay shalay xasuuqeen(Riix halkaan)
Ma`ooyey Markaan Xorownay? (Faallo)(Riix halkaan)
Kuwa Soomaalinimadii Ka Doortay Isaaqnimo(Riix halkaan)
Kooxda Mbagathi & Kadeedka Ummadda(Riix halkaan)
Caruurta laga xado Soomaaliya oo la geeyo Adis(Riix halkaan)
Somaliya Maanta Heerka Ay Taaganthay!!!(Aragti)(Riix halkaan)
kuwee Dooranayaa M Dheere,C/taax (Faallo)(Riix halkaan)
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Somaliya.(Aragti)(Riix halkaan)
Mareykanka oo dano gaara ah ka leh Soomaaliya(Riix halkaan)
Goormuu Oday noqday C/llahi bal calaamada Illaahay?(Riix)
Shariifow ama Mudulood ahoow ama Muslim ahoow (Riix)
08/11/2008
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Waa Qabiilkee Qabiilada Soomaaliyeed Qabiilka Dadkiisu Ugu Tira Badanyahay?

Marka hore ma ay jirto cid tan iyo maanta Soomaali qabiil qabiil u tirisay. Aniguna maba garanayo tiro cidii cid ka tira badan faa,idada ay keeni karto. Sababtoo ah, hadaad tahay Daarood, hadaad tahay Hawiye, hadaad tahay Dir. Dunidan aynu joogno maanta Somali magaca la dhaho ayaanba wax macno ah ku fadhin khasaaro iyo foolxuma mooye.

Horte Soomaali la ogaayo qabiilka ugu tirada badan waa sifooyinka soo socda qabiil ala qabiilka ay u suurtogasho:

1. Marka uu madaxweyne hab qabiil wax u maamulo ama uu talada hayo.
2. Qabiilka gacanta ku dhiga hub aad u tiro badan oo ay cid kasta ku ololiyaan.

Taasina waati la arkay natiijadeedi iyo iney arrintaasi run tahay. Maanta marka waxaa ugu badan qabiilada Soomaaliyeed qabiilka Habar-Gidir oo Caydiid ayaa markii uu gacanta ku dhigay hubkii qaranka Soomaaliyeed oo dhan, waa tuu cid walba buulkeedi ugu tagay oo cid walba halkeedi lagu gubay, watii dhalinyaro laga soo waalay Gobolada dhexe oo lagu yidhi kaalaya midkoo Daarood ah aan soo furanaynaa gurgiissiye.

Nin la yiraah Cali Guuleed oo niman gaala ah wariyayaal ah Xamar u kexeeyay isagoo kaso kaxeeyay magaala madaxda Maraykanka ee Washington ayaa wuxuu gaaladaas ugu nacnacleeyay inuu qabiilkiisa Habar-Gidir ugu badanyahay Soomaali uguna adagyahay, sidii iyadoo ay taasi wax macno ah samaynayso.

Halgamaagi xoriyada iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed Sayid Maxamed Cabdalle Xasan ayaa sabankii Daraawiishta la waydiiyay labada qabiil Hawiye iyo Daarood midka badan, wuxuu ku jawaab celiyay (Kolba Ogaadeen kuu raaco).

Sidoo kale, Garaad Cabdiqanigii Dhulbahante ayaa isna mar Taleex lagu waydiiyay labada qabiil ee Daarood iyo Hawiye midka badan, isaguna waxa uu ku jawaab celiyay (Hadba midka uu Ogaadeen raaco).

Hadaba labadaas qodob ayaa lagu gartaa qabiil ala qabiilkii sheegta in tiradiisu aad u badantahay. Anigu inkasta oo aanan garanayn tiro qabiil Soomaaliyeed faa,idada ay la imaan karto.

Qabiilka labaad ee ugu badan Soomaali waa qabiilka la dhaho Majeerteen oo isaguna maanta hab qabiil iyo madaxweyne ku maamulaya Somaliya, sidoo kala hub iyo dhaqaale badani uu soo galay deegaamadooda, xoolahaas oo ku jira gacanta qawlaystayaal, burcad iyo qabiile (maleeshiyo).

Habargidir? Dadka Soomaaliyeed ee Ilaahay u dhaliyay qabiilka Habargidir waa dad uu Ilaahay ku manaystay wax ala wax karaamo ah iyo sharaf ah ee qofka Soomaaliga ah leeyahay. Waxaa kaloo iyaga waliba u dheer iney ahaan jireen kuwo waagi xornimada la raadinayay ka soo qayb qaatay halgankii ummada Soomaaliyeed, inkastoo qabiil kastaa kasoo qayb qaatay. Habargidirtu waa dadkii uu ka dhashay halyeygii Cabdullahi Ciise. Dadka Soomaaliyeed ee Habargidir lama nici karo, waayo waxay ka mid yihiin dadkeena Soomaaliyeed. Hadii Habargidir la waayo Somaliyana waa la waayay oo ma ay sii jirayso.

Nasiib darro, maanta far dheer baa ku mudan oo markii uu ninkii Caydiid la odhan jiray uu hubkii qaranka Soomaaliyeed gacantiisa galay waxaa loo adeegsaday wax ala wixii kharbudaad, kharibaad, burbur, xasuuq, cabudhin iyo dhiig daadin ahaa ee dalka Soomaaliyeed ka dhacay, gaar ahaan Koonfur.

Waxaa kaloo taas kasii daran, waa nimanka maanta Soomaaliya meesha xun ee ay xooran tahay dhigay, inkastoo qabiil kastaa dhiig daadiyay, haddana iyagu waa nimanka xooga ugu wayn ku leh dhibkii dhacay, imikana socda. Niman wali meel fariistay oo xisaabtamay oo istayba ma ay aha. Waxay kaloo ku hawlan yihiiin maal urursi iyo xaaraan aad iyo aad u tirobadan oo ay ka mid yihiin dhoofinta maalka ummada iska wada lahayd ee moos, macdan, malaay iyo wax walba lahaa tan iyo warshadihii iyoo mashaariicdi qaranku iska lahaa. Maal iyo jiingado iyaga waa hore ayeeyba ku quraacdeen oo waxaa la qararamsaday oo lagu casriyeeyay bilawgii 1991 markuu dagaalku sokeeye bilawday.

Waxaa iyaga maanta la gudboon inay is daba qabtaan oo kaligii cunka ay ku ibtileysan yihiin iska dhaafaan, sababtoo ah kaligii cune kaligii buu dhintaa, oo maalintii uu ninkii waalna ee la odhan jiray Caydiid quwadaha waaweyn ee dunida isku soo hogaamiyay waa tii ay ka dhacday yaa Soomaali ah iyo yaa Muslim ah?

Majeerteen? Dadka Soomaaliyeed ee Ilaahay u dhaliyay qabiilka Majeerteen waa dad sharaf iyo karaamaba leh. Waxaa qabiilka Majeereten ku jira aqoonyahano, caaqil, culimo, macalin dadka wax bara iyo kuwo uurka ku jira oo Soomali u dhalanaysa. Majeerteen waxaa ka mid ahaa geesiyadii u daadiyay dhiigooda Korneylkii Cabdiqase ee intuu miinada isku xiray buundad Godey halkaas ku googooyay. Majeerteen lama nici karo, waayo waxay ka mid yihiin dadkeena Soomaaliyeed. Hadii Majeerteen la waayo Somaliyana waa la waayay oo ma ay sii jirayso.

Majeerteen oo ahaa qabiilkii qabiilada Soomaaliyee ugu hor ilbaxay oo waliba muddo badan la cawri jiray. Soomaali hadeynu nahay ileen xasad buu Ilaahay inagu abuuree oo jaahilnimadii baynu ku darsanay in sidii bisadihii la is cawryee, Majeerteenku waa qabiil Soomaaliyee oo qofka nacaya waa qof nacay oo kale Somaliya, kaasina waaba mid kufriyay oo hadaad dhibsato ummada uu Ilaahay isku afka, dhiiga, dhareerka, dheecanka, diinta iyo geeraarkaba isku mid inaga dhigay ninka nacayow sow mid Ilaahay ka hor yimid ma tihid.

Nasiib darro, dadkaas maanta Soomaalidu gees ka gees dhibaato ayaa laga tirsanaya oo waliba aad iyo aad baa looga cabaaday dhibkoodi iyo kadeedkoodi awgood. Maxamed Siyaad oo daacad ummada u ahaa oo ushiisi yareyd intuu iska qaato iska girifgirif leh oo waxa ugu wayn ee haya uu aha cilmi daro, kuwa uu ka shaqaysan kari waayay ee geed walba u galay oo inuu sigaar uun oo uu kafee isku waalo iyo in dawladnimadii ummadda Soomaaliyeed loo jaheeyo dadkeedi cadawga gacanta uga galiyay in laga difaaco midka keenay sow Majereteen maaha? Khudbad kasta oo uu jeedin jiray Maxamed Siyaad iimaan la,aawihii uu sheegi jiray sow Majeerteen maaha?

Majeerteenku sow ma ahan kuwa Dawladnimadii ummadda Soomaaliyeed ku maamulaya habka foosha xun leh ee qabyaaladu ku salaysantahay, iyaga oo isku safay kuraastii yaraa ee qaranka oo min madax ilaa iyo minje isku taxay oo aan laga helin in ku siman harag sagaaro oo lala cariirsado.

Kuwaasi waa kuwo ay Soomaalinimadu dhinac martay oo Soomaalinimadii sharafta lahayd ka doortay qabiilka yar ee ay ka dhasheen oo waa kuwo uu Ilaahay iimankii ka qaaday.
Kuwaasi uma maleeyaan iney dad kale oo iyaga oo kale ah jiraan. Kuwaasi waa kuwa dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh ee Hawiye yasi jiray natiijadeedina ay keentay USC.

Kuwaasi waxay isu arkaan iney iyaga kaliyah yihiin dhiiga dhabta ah ee Somaliya ee awooda u leh iney kaligood wax maamulaan. Kuwaasi waa kuwo hadey iyagu dhexdooda wax kasta col ku yihiin laakiin mar walba heshiis ku ah in wax kasta oo Somaliya ku saabsan aysan iyaga dhaafin. Hadda waa wax walba hadey col ku yihiin, arrimaha Somaliya ineysan dhaafin qof iyaga u dhashay yey aaminsan yihiin bal calaamada Ilaahay! Ninka maanta kiniinki madax xanuunka ee (Aspro) ahaa, ninka dunida ka dhameeyay ee maanta raaxada u jiifsan la, soow maaha nin ay iiman la,aantiisu iyo talo xumadiisu gaysay in uu hogaan ummadeed isku qabto, kaasi sow Cabdullahi Yuusuf maaha?

Majeerteen Siyaasiyiintoodu waxay ka mid yihiin kuwa Somali ka xumeeyay aasaaskii dawladnimo ee wax walba ka dhigay daneysiiyo qabiilka in dabada la haysto.

Kuwaasi waa kuwii Amxaarkii afka xumaa usoo hogaamiyay inuu Somaliya galo.
Kuwaasi waa kuwii markuu Maxamed Siyad talada dalka qabtay yidhi ( Ba,aa maandhoow ma nin Mareexaan ah baa aniga ii talinaya?) Kuwaasi waa kuwo cunsuriyiin ah, oo iska dhaaf wax kale ee qabiilkooda Majeerteen dadka u dhashay qaar ka mid ah hoos u fiiriya, iyagoo dhaha Majeerteen yar yar. hebel riyoole, hebel dameerle, hebel qaadle iyo waxyaalo la mid ah.

Ujeedada qoraalkan aan ka leeyahay maxay tahay?

Dadkeena waxaa u caado ah iney mar walba isweydiiyaan ama isa su,aal wax kasta oo ay arkaan ama ay maqlaan. Akhriste kastaaba wuxuu is waydiinaya su,aashi caanka ahayd ee ( war ninkani muxuu ula jeeda qoraalkan isaga ah?) Hadaba su,aasha meesha ku jirtaa waxay tahay ujeedada aan ka leeyaha qoraalkan isaga ah?

Jawaabtu waxay tahay maanta danta jirtaaba maxay tahay? Maanto kale wax jira ma uu jiro dal, dawlad iyo xil toona. Xitaa hadii maanta la helo dawladnimo 20 sano ayeey qaadanaysa in heerkii iska liitay ee 1990 uu dalku marayay ay wax gaaraan in la soo saaro batroolka iyo kheyraadka kale ee ay Somaliya leedahay oo iyana ku xiran xasilooni xad dhaaf ah iyo maamuul heersare ah mooye.

Maantoo kale ma ahan maalin huteelo ummado dhisteen oo waliba sida Sawaxili iyo Amxaaro iyo wax la mid ahi kasoo toosayaan, huteelkaas inta la jiifto shirar ay shisheeye Soomaali isugu yeertay doqonimadooda inta cuno iyo jiif laga siiyo, dadka sida loo koolkoolinayo waa dadka dhibaatada, fawdada iyo qaska socda ka aabo ah, kaaga daranka waliba lagu amro sidii caruurtii iney ka wada hadlaan dalkooda ay iska gubeen sidii dabkiisa loo damin lahaa! Waxaa dadkeeda laga lumiyay waxa la dhaho danta guud iyo wadaninimo.

Bal maanta hadii la is waydiiyo danta jirta maxay tahay? Dal, dawladnimo iyo qaranimo wax ala wax jira miyaa jira? Maxaa marka la dhawranayaa? Cidee la sugayaa? Sowta xitaa aduun weynihii inoo soo gurmaday ee wax walba diyaarka lala ahaa ee haddana waxba hagaagi la, yihiin? Yaa baase Ilaahay nacay oo inagu dhex jira? Ma Cabdullahi Yuusuf iyo xulafadiisa tolow? Cidee maanta Somaliya nafsad u haysa? Who is who?

Somaliya heer waxay gaadhay hadii uu Televishinka kasoo baxo ilmo yar oo gaajoo la ooyaya, inta caruurtayadu nagu soo ordaan oo ay na leeyihiin ( Aabo Tvga Somaliya ayaa laga soo daayay ee kaalay daawo!) Sawta Somaliya noqotay meel laga faano?

Dadkeena Soomaaliyeed ee sharafta leh ee kasoo jeeda qabiilada Hawiye iyo Daarood ee Koonfur isku xasdaya dawladnimada, waxa maanta la gudboon iney miyir la,aantooda badalo maankoodu oo ay maanta xaqiiqda jirta taabtaan.

Dadkeena sharafta leh ee kasoo jeeda labadeena qabiil ee Hawiye iyo Darood ee mooday iney iyaga kaliya Somaliya tahay waa iney ka tanaasulaan, mana doonayno maanta in ay dad iyaga ka tirsani noo qabtaan hogaanka dawladnimo.

Soomaali waxa ay meeshaa xun xoorantahay marka waxaa ugu wacan- ruug cadaageedi oo dhan baa Ilaahay ka dhigay asaasaq xaar iyo kaadiba qastay.

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com

Xafiiska Wararka
www.falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

© Arrow Online.com 2008 ®