Marka hore ma ay jirto cid tan iyo maanta Soomaali qabiil qabiil
u tirisay. Aniguna maba garanayo tiro cidii cid ka tira badan
faa,idada ay keeni karto. Sababtoo ah, hadaad tahay Daarood,
hadaad tahay Hawiye, hadaad tahay Dir. Dunidan aynu joogno maanta
Somali magaca la dhaho ayaanba wax macno ah ku fadhin khasaaro
iyo foolxuma mooye.
Horte Soomaali la ogaayo qabiilka ugu tirada badan
waa sifooyinka soo socda qabiil ala qabiilka ay u suurtogasho:
1. Marka uu madaxweyne hab qabiil
wax u maamulo ama uu talada hayo.
2. Qabiilka gacanta ku dhiga hub
aad u tiro badan oo ay cid kasta ku ololiyaan.
Taasina waati la arkay natiijadeedi iyo iney arrintaasi run
tahay. Maanta marka waxaa ugu badan qabiilada Soomaaliyeed qabiilka
Habar-Gidir oo Caydiid ayaa markii uu gacanta ku dhigay hubkii
qaranka Soomaaliyeed oo dhan, waa tuu cid walba buulkeedi ugu
tagay oo cid walba halkeedi lagu gubay, watii dhalinyaro laga
soo waalay Gobolada dhexe oo lagu yidhi kaalaya midkoo Daarood
ah aan soo furanaynaa gurgiissiye.
Nin la yiraah Cali Guuleed oo niman gaala ah wariyayaal ah
Xamar u kexeeyay isagoo kaso kaxeeyay magaala madaxda Maraykanka
ee Washington ayaa wuxuu gaaladaas ugu nacnacleeyay inuu qabiilkiisa
Habar-Gidir ugu badanyahay Soomaali uguna adagyahay, sidii iyadoo
ay taasi wax macno ah samaynayso.
Halgamaagi xoriyada iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed Sayid
Maxamed Cabdalle Xasan ayaa sabankii Daraawiishta la waydiiyay
labada qabiil Hawiye iyo Daarood midka badan, wuxuu ku jawaab
celiyay (Kolba Ogaadeen kuu raaco).
Sidoo kale, Garaad Cabdiqanigii Dhulbahante ayaa isna mar Taleex
lagu waydiiyay labada qabiil ee Daarood iyo Hawiye midka badan,
isaguna waxa uu ku jawaab celiyay (Hadba
midka uu Ogaadeen raaco).
Hadaba labadaas qodob ayaa lagu gartaa qabiil ala qabiilkii
sheegta in tiradiisu aad u badantahay. Anigu inkasta oo aanan
garanayn tiro qabiil Soomaaliyeed faa,idada ay la imaan karto.
Qabiilka labaad ee ugu badan Soomaali waa qabiilka la dhaho
Majeerteen oo isaguna maanta hab qabiil iyo madaxweyne ku maamulaya
Somaliya, sidoo kala hub iyo dhaqaale badani uu soo galay deegaamadooda,
xoolahaas oo ku jira gacanta qawlaystayaal, burcad iyo qabiile
(maleeshiyo).
Habargidir?
Dadka Soomaaliyeed ee Ilaahay u dhaliyay qabiilka Habargidir
waa dad uu Ilaahay ku manaystay wax ala wax karaamo ah iyo sharaf
ah ee qofka Soomaaliga ah leeyahay. Waxaa kaloo iyaga waliba
u dheer iney ahaan jireen kuwo waagi xornimada la raadinayay
ka soo qayb qaatay halgankii ummada Soomaaliyeed, inkastoo qabiil
kastaa kasoo qayb qaatay. Habargidirtu waa dadkii uu ka dhashay
halyeygii Cabdullahi Ciise. Dadka Soomaaliyeed ee Habargidir
lama nici karo, waayo waxay ka mid yihiin dadkeena Soomaaliyeed.
Hadii Habargidir la waayo Somaliyana waa la waayay oo ma ay
sii jirayso.
Nasiib darro, maanta far dheer baa ku mudan oo markii uu ninkii
Caydiid la odhan jiray uu hubkii qaranka Soomaaliyeed gacantiisa
galay waxaa loo adeegsaday wax ala wixii kharbudaad, kharibaad,
burbur, xasuuq, cabudhin iyo dhiig daadin ahaa ee dalka Soomaaliyeed
ka dhacay, gaar ahaan Koonfur.
Waxaa kaloo taas kasii daran, waa nimanka maanta Soomaaliya
meesha xun ee ay xooran tahay dhigay, inkastoo qabiil kastaa
dhiig daadiyay, haddana iyagu waa nimanka xooga ugu wayn ku
leh dhibkii dhacay, imikana socda. Niman wali meel fariistay
oo xisaabtamay oo istayba ma ay aha. Waxay kaloo ku hawlan yihiiin
maal urursi iyo xaaraan aad iyo aad u tirobadan oo ay ka mid
yihiin dhoofinta maalka ummada iska wada lahayd ee moos, macdan,
malaay iyo wax walba lahaa tan iyo warshadihii iyoo mashaariicdi
qaranku iska lahaa. Maal iyo jiingado iyaga waa hore ayeeyba
ku quraacdeen oo waxaa la qararamsaday oo lagu casriyeeyay bilawgii
1991 markuu dagaalku sokeeye bilawday.
Waxaa iyaga maanta la gudboon inay is daba qabtaan oo kaligii
cunka ay ku ibtileysan yihiin iska dhaafaan, sababtoo ah kaligii
cune kaligii buu dhintaa, oo maalintii uu ninkii waalna ee la
odhan jiray Caydiid quwadaha waaweyn ee dunida isku soo hogaamiyay
waa tii ay ka dhacday yaa Soomaali ah iyo yaa Muslim ah?
Majeerteen? Dadka
Soomaaliyeed ee Ilaahay u dhaliyay qabiilka Majeerteen waa dad
sharaf iyo karaamaba leh. Waxaa qabiilka Majeereten ku jira
aqoonyahano, caaqil, culimo, macalin dadka wax bara iyo kuwo
uurka ku jira oo Soomali u dhalanaysa. Majeerteen waxaa ka mid
ahaa geesiyadii u daadiyay dhiigooda Korneylkii Cabdiqase ee
intuu miinada isku xiray buundad Godey halkaas ku googooyay.
Majeerteen lama nici karo, waayo waxay ka mid yihiin dadkeena
Soomaaliyeed. Hadii Majeerteen la waayo Somaliyana waa la waayay
oo ma ay sii jirayso.
Majeerteen oo ahaa qabiilkii qabiilada Soomaaliyee ugu hor
ilbaxay oo waliba muddo badan la cawri jiray. Soomaali hadeynu
nahay ileen xasad buu Ilaahay inagu abuuree oo jaahilnimadii
baynu ku darsanay in sidii bisadihii la is cawryee, Majeerteenku
waa qabiil Soomaaliyee oo qofka nacaya waa qof nacay oo kale
Somaliya, kaasina waaba mid kufriyay oo hadaad dhibsato ummada
uu Ilaahay isku afka, dhiiga, dhareerka, dheecanka, diinta iyo
geeraarkaba isku mid inaga dhigay ninka nacayow sow mid Ilaahay
ka hor yimid ma tihid.
Nasiib darro, dadkaas maanta Soomaalidu gees
ka gees dhibaato ayaa laga tirsanaya oo waliba aad iyo aad baa
looga cabaaday dhibkoodi iyo kadeedkoodi awgood. Maxamed Siyaad
oo daacad ummada u ahaa oo ushiisi yareyd intuu iska qaato iska
girifgirif leh oo waxa ugu wayn ee haya uu aha cilmi daro, kuwa
uu ka shaqaysan kari waayay ee geed walba u galay oo inuu sigaar
uun oo uu kafee isku waalo iyo in dawladnimadii ummadda Soomaaliyeed
loo jaheeyo dadkeedi cadawga gacanta uga galiyay in laga difaaco
midka keenay sow Majereteen maaha? Khudbad kasta oo uu jeedin
jiray Maxamed Siyaad iimaan la,aawihii uu sheegi jiray sow Majeerteen
maaha?
Majeerteenku sow ma ahan kuwa Dawladnimadii ummadda Soomaaliyeed
ku maamulaya habka foosha xun leh ee qabyaaladu ku salaysantahay,
iyaga oo isku safay kuraastii yaraa ee qaranka oo min madax
ilaa iyo minje isku taxay oo aan laga helin in ku siman harag
sagaaro oo lala cariirsado.
Kuwaasi waa kuwo ay Soomaalinimadu dhinac martay oo Soomaalinimadii
sharafta lahayd ka doortay qabiilka yar ee ay ka dhasheen oo
waa kuwo uu Ilaahay iimankii ka qaaday.
Kuwaasi uma maleeyaan iney dad kale oo iyaga oo kale ah jiraan.
Kuwaasi waa kuwa dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh ee Hawiye
yasi jiray natiijadeedina ay keentay USC.
Kuwaasi waxay isu arkaan iney iyaga kaliyah yihiin dhiiga dhabta
ah ee Somaliya ee awooda u leh iney kaligood wax maamulaan.
Kuwaasi waa kuwo hadey iyagu dhexdooda wax kasta col ku yihiin
laakiin mar walba heshiis ku ah in wax kasta oo Somaliya ku
saabsan aysan iyaga dhaafin. Hadda waa wax walba hadey col ku
yihiin, arrimaha Somaliya ineysan dhaafin qof iyaga u dhashay
yey aaminsan yihiin bal calaamada Ilaahay! Ninka maanta kiniinki
madax xanuunka ee (Aspro) ahaa, ninka dunida
ka dhameeyay ee maanta raaxada u jiifsan la, soow maaha nin
ay iiman la,aantiisu iyo talo xumadiisu gaysay in uu hogaan
ummadeed isku qabto, kaasi sow Cabdullahi Yuusuf maaha?
Majeerteen Siyaasiyiintoodu waxay ka mid yihiin kuwa
Somali ka xumeeyay aasaaskii dawladnimo ee wax walba ka dhigay
daneysiiyo qabiilka in dabada la haysto.
Kuwaasi waa kuwii Amxaarkii afka xumaa usoo hogaamiyay inuu
Somaliya galo.
Kuwaasi waa kuwii markuu Maxamed Siyad talada dalka qabtay yidhi
( Ba,aa maandhoow ma nin Mareexaan ah baa aniga ii talinaya?)
Kuwaasi waa kuwo cunsuriyiin ah, oo iska dhaaf wax kale ee qabiilkooda
Majeerteen dadka u dhashay qaar ka mid ah hoos u fiiriya, iyagoo
dhaha Majeerteen yar yar. hebel riyoole, hebel dameerle, hebel
qaadle iyo waxyaalo la mid ah.
Ujeedada qoraalkan aan ka leeyahay maxay tahay?
Dadkeena waxaa u caado ah iney mar walba isweydiiyaan ama isa
su,aal wax kasta oo ay arkaan ama ay maqlaan. Akhriste kastaaba
wuxuu is waydiinaya su,aashi caanka ahayd ee ( war ninkani muxuu
ula jeeda qoraalkan isaga ah?) Hadaba su,aasha meesha ku jirtaa
waxay tahay ujeedada aan ka leeyaha qoraalkan isaga ah?
Jawaabtu waxay tahay maanta danta jirtaaba maxay tahay? Maanto
kale wax jira ma uu jiro dal, dawlad iyo xil toona. Xitaa hadii
maanta la helo dawladnimo 20 sano ayeey qaadanaysa in heerkii
iska liitay ee 1990 uu dalku marayay ay wax gaaraan in la soo
saaro batroolka iyo kheyraadka kale ee ay Somaliya leedahay
oo iyana ku xiran xasilooni xad dhaaf ah iyo maamuul heersare
ah mooye.
Maantoo kale ma ahan maalin huteelo ummado dhisteen oo waliba
sida Sawaxili iyo Amxaaro iyo wax la mid ahi kasoo toosayaan,
huteelkaas inta la jiifto shirar ay shisheeye Soomaali isugu
yeertay doqonimadooda inta cuno iyo jiif laga siiyo, dadka sida
loo koolkoolinayo waa dadka dhibaatada, fawdada iyo qaska socda
ka aabo ah, kaaga daranka waliba lagu amro sidii caruurtii iney
ka wada hadlaan dalkooda ay iska gubeen sidii dabkiisa loo damin
lahaa! Waxaa dadkeeda laga lumiyay waxa la dhaho danta guud
iyo wadaninimo.
Bal maanta hadii la is waydiiyo
danta jirta maxay tahay? Dal, dawladnimo iyo qaranimo wax ala
wax jira miyaa jira? Maxaa marka la dhawranayaa? Cidee la sugayaa?
Sowta xitaa aduun weynihii inoo soo gurmaday ee wax walba diyaarka
lala ahaa ee haddana waxba hagaagi la, yihiin? Yaa baase Ilaahay
nacay oo inagu dhex jira? Ma Cabdullahi Yuusuf iyo xulafadiisa
tolow? Cidee maanta Somaliya nafsad u haysa? Who is who?
Somaliya heer waxay gaadhay hadii uu Televishinka kasoo baxo
ilmo yar oo gaajoo la ooyaya, inta caruurtayadu nagu soo ordaan
oo ay na leeyihiin ( Aabo Tvga
Somaliya ayaa laga soo daayay ee kaalay daawo!) Sawta Somaliya
noqotay meel laga faano?
Dadkeena Soomaaliyeed ee sharafta leh ee kasoo jeeda qabiilada
Hawiye iyo Daarood ee Koonfur isku xasdaya dawladnimada, waxa
maanta la gudboon iney miyir la,aantooda badalo maankoodu oo
ay maanta xaqiiqda jirta taabtaan.
Dadkeena sharafta leh ee kasoo jeeda labadeena qabiil ee Hawiye
iyo Darood ee mooday iney iyaga kaliya Somaliya tahay waa iney
ka tanaasulaan, mana doonayno maanta in ay dad iyaga ka tirsani
noo qabtaan hogaanka dawladnimo.
Soomaali waxa ay meeshaa xun xoorantahay marka waxaa ugu wacan-
ruug cadaageedi oo dhan baa Ilaahay ka dhigay asaasaq xaar iyo
kaadiba qastay.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com