Soomaala’ayeeey!
Ciiloow ba’!!!!!!
Qaybta
afraad – Part4
uguna danbeysey
Sidee dib-u-heshiin dhab ah lugu gaari karaa?
Intaas haddaan uga gudbo quusidda, kor sabbaynta
iyo iftiiminta Aafada ina wada haysata ee 1991kii soo bilaabatay,
waxaan maqaalka ku soo gunaanadayaa, sida ay ila tahay, ee looga
bixi karo.
Marka hore, ereyga ‚Dib u heshiin –
Reconciliation’ wuxuu muujinayaa dad ama beelo, horey heshiis
u ahaa, oo colaad dhexmartay, haddana raba/ la rabo inay dib u
heeshiiyaan. Arrinta Soomaaliya kasoo dhacday, gaarahaan Caasimadda,
maahan mid soomaalida u gaar ah. Waddammo kale bay saman hore,
mid dhexe iyo samankaanba kasoo dhacday. Waxaana looga gudbay
qaab nabadeed iyo iscafin (marka qolada dulmiga gashay ay qirato)
ama qaab xisaabtan iyo maxkamado, iyadoo la adeegsanayo habka
ah “Who did what to whom when“ oo macnaheedu yahay
„Kee baa ku kale markaas wax yeelay’. (tus, Ruanda).Waxaa
la sameeyaa baaritaanno, lana keenaa markhaatiyo iyo dhibbanayaasha
(victims) weli nool.
Waxaan filayaa in qaabka hore ee nabadeed uu
Soomaalida la gudboon yahay.
Si dibu heshiin loo gaaro, waxaa lagama maarmaan
ah in kiniiniga Nabadda (Qursun) la wada liqo – Waa haddii
muslinimadu ay dhab naga tahay. Kiniiniga Nabaddu (Quraanka &
Sunnada) waa daawada keliya ee markii la liqo, durbadiiba qofka
soomaaliyeed uu dareemi karo culayska (ahlu qubuurta) uu xanbaarsan
yahay. Dadka qaar qaac isku qarinaya ama dana kale leh baa qaba
ama ku sheekeeya in arrimaha aan ka hadlayo, ay yihiin kuwo laga
soo gudbay. Haddii arrimo soo dhacay mar hore aan weli laga hadlin,
sabab kasta ha lahaatee, macnuhu maahan in laga soo gudbay.
Runtu waxay tahay inaan weli la biskoon. Belo
iyo baas aan ahayn cudurka qabyaaladda nama hayaan! Markaad arrimaha
soomaalida si fiican ugu fiirsatid, waxaa kuu soo baxaya, in wanaaggeenii
iyo dadnimadeenii oo dhammi ay qabyaaladdu naafo ka dhigtay. Dhinac
iyo koox walboo aad fiirisidba iyadaa hor taagan, ku dhexjirta,
daba taagan ama gees cararaysa: Kooxo kala jira oo dowlad tabaryar
cayrsanaya iyo kuwa la cayrsanayo oo xubnahoodu jillaafo isu dhigayo
ama is turaantureynayo si qaarkood ay kooxuhu usoo gaaraan. Soomaali
kasta wuxuu Safiir (Ambassador) iyo Afhayeen (Speaker) u yahay
ugu yaraan 20 Ahlu qubuur ah!!! Kulan ama shir kastay yeeshaan
waxay uga qayb galaan heer Safiirnimo! Safiirna go’aan iskama
gaari karo haddaan dawladiisu amar siin. Soomaaligu wuxuu go’aan
gaaraa isagoon amar ka helin Ahlu qubuurta – maba ka heli
karee!, laakiinse aaminsan inuu wax weyn u tarayo reer Aakhiraadka!!!
Ma jiro Soomali aan daawadaan haysan: Qaar ay
guryaha u taal; qaar ay jeebabka ugu jirto; qaar ay dhegaha ugu
jirto; qaar gacmaha ku haysta; iyo qaar ay carrabyada u saran
tahay – laakiin aan ku dhici karin inay liqaan! Hadday liqaan
waxay ka takoormayaan beelahooda – Horaa loo yiri ‘Fiqi
bahdii kama janna tago’. Qoladaan dambe dadweynaha ayay
baraan ugana sheekeeyaan waxtarka, macaanka, khushuuca, taqwada
iyo khayrka uu Kiniiniga Nabaddu leeyahay!!! Intaasiba waa naruuro.
Waa Alle mahadii. Waxaa keliya oo noo haray inaan Raganimo iska
raadinno oo aan Kiniiniga Nabadda wada liqno!! Haysashadiisa keliya
waxba na tari mayso, haddaynaan gaarsiin qaybta dheefshiidka (digestive
system). Jeerkaas keliya ayaa jirka, qalbiga, dareenka, garaadka,
caqliga, aqoonta, diinta iyo akhlaaqda Soomaaligu uu isbeddel
ku dhici karaa.
Waa nasiib badan yahay ruux, inta godob iyo dulmi
ummadd kasoo galay mar hore weli nool. Wuxuu weli haystaa fursad
uu dembigiisa ku qiran karo, cafisna ku weydiisan karo, dadkuu
dembi kasoo galay iyo Allihii abuurtayba. Dembigaad Eebbe keliya
ka gashid, Alle wuu kaa cafin karaa. Kaad dad ka gashidse, xisaabtiisu
irridda aakhiray kugu sugaysaa.
Waxay iila ekaatay in daawa qaadashada iyo dib
u heshiintu ay ka bilaabato halkii ay dulmiga iyo aafadu ka bilawdeen
1991kii, oo ah caasimadda Xamar. Intaan arrinta lugu dhaqaaqin,
waa in :
• Xabbadjoojin (ugu yaraan 3 bilood ah)
laga helo muqaawamada, DKMG, Amisom, Amxaarada, Mooryaanta
• Taleefan joojin laga helo warxungeeyada
qurbajoogga
Keddibna lugu dhaqaaqo
furitaanka wejiga koowaad.
I – Wejiga Koowaad
Shirweyne (Gogol) ay isugu wada yimaadaan Isimada
dhabta ah ee dhaxalka u leh (Abtiris ahaan - genealogical) ee
beelweynta Ha’da, oo ay wheliyaan waxgaradkooda iyo culimadooda
oo keliya. Inaan loo yeerin qolooyinka ku qaraabta magaca beesha,
sida nabadoon, oday beeled, afhayeen iyo kuwa siyaasadda hor booda.
Qodobbada gogoshuna ay ka mid noqdaan
,Matalan(tus.):
- Toos uga hadlid, falanqayn, ka garnaqsi wixii
kala gaaray beelweynta wixii ka dambeeyay 1991kii.
- Dib u furid mas’aladdii hore ee la xallin kari waayay
ee’ Hebel gar leh, hebelna gar leh’, si garsoor iyo
go’aan looga gaaro, loogana gudbo – Illayn gari laba
nin kama wada qoslisee.
- Magaca Ha’du wuxuu noqday kan keliya
ee weli laga maqlo warbaahinta noocyadeeda kala duwan. Rag aan
badnayn baa magacii, sharaftii, aqoontii, diintii, dhaqankii beelweynta
oo dhan ‘Isbaaro’ u dhigtay. In waxgaradka beeshu
raggaas istusaan, go’aan ka gaaraan, iskana qabtaan.
- Hanti maguuranta isu celin, gar iyo mag kala
qaadasho.
- Is wada cafin:Haddaan si dhab ah oon qarsi
lahayn looga hadlin godobta iyo dulmigii dhacay, haddee si duuduub
ah, laysuguma cafin karo, laysugumana faataxayn karo, cuqdo iyo
shakina bixi mayaan.
II – Wejiga
Labaad
In beelweynta Ha’da oo gacmaha is wada
haysata, ay gogol u dhigaan Soomaaliweyn oo dhan, intay Xamar
ku casumaan isimada, culimada & waxgaradka oo idil.
Qodobbada gogoshana waxaa ka mid noqon kara, matalan(tus.):
- In beesha Ha’du qaadato mas’uuliyadda
wixii Xamar kasoo dhacay. Wixii ka dambeeyay 91kii, Xamar iyaga
keliya ayaa ku sugnaa, oo sheegtay. Raggii haystay ama ku dhex
diriri jireyna iyaga keliya ayay ahaayeen.
- In beeshu oggolaato inay magdhow iyo xaalmarin
siiso dhibbanayaasha (victims) weli nool ee soomaaliweyn oo dhan.
(Fulinta arrintaan oo dhici doonta markii batroolka dalka ceegaaga
la soo saro...Eebbe idankiis)
- Gartaan oo oggolaadaan in aysan jiri karin
cid ama beel si gaar ah u sheegan karta caasimadda Soomaaliya.
- In beeshu raalligelin ka bixiso, cafis rasmi
ahna(official) ay weydiisato soomaaliweyn oo dhan. Keddibna la
cafiyo.
- Soo celinta hantida maguuraanka ah ee soomaaliweyn
(dadweyne & dowladba)
- Is cafin guud iyo mid gaareed oo laba geesood
ah(bilateral) oo dhex marta Beelweynta Ha’da iyo Soomaaliweyn.
Keddibna mid ah beelaha dhexdooda oo dhan.
III - Wejiga Saddexaad
Baaq(qoraal ah) oo ay wadajir u soo saaraan Isimada
Beelaha soomaaliyeed oo idil.
Waxaa qodobbada baaqa ka mid noqon kara, matalan(tus.):
- In magac qabiil uu yahay oo keliya ‘Litacaarafuu’,
oo aan loo adeegsan karin arrimaha garsoorka, waxbarashada, caafimaadka,
nabadgelyada, iwm.
- Inaan maamul iyo dawlad lugu dhisi Karin qaab
beeleed, iyadoo la adeegsanayo magacyada Ahlu qubuurta lugu abtirsado.
- Inaan gacan ku dhiigle ama jidgooye uusan
magangelyo ka helin beeshiisa, ama degaankiisa, diyanna uusan
lahayn.
- Inaan dhulka soomaaliya la kala lahayn, oo
muwaadinku (somali citizen) uu meeshuu rabo oo bannaan(aan qofi
gadan) uu gadan karo – guri ka dhisan karo; beer ka tabcan
karo; xoolo ku dhaqan karo; ka shaqaynsan karo; ka ganacsan karo;
wax ka baran karo. Iwm.
- Xaaraantimayn in muwaadin soomaaliyeed lagu
yiraahdo,’ magaalo,degmo ama gobol hebel waad ku dhalataye,
uma dhalan!!)
- In ruux walba uu mas’uul ka yahay falalkiisa
(shar & khayrba) oo lugula xisaabtamayo.
IV – Wejiga
Afraad
Markii gogosha
Soomaaliweyn lasoo gabagabeeyo:
- In isimada, waxgaradka iyo culimada beelaha
oo idil, oo ay weheliyaan shacabka Xamar – qaybihiisa kala
duwan – ay caasimadda Xamar ka bilaabaan Quraan akhrin,
magaalada & intii dhimatay u ducayn iyo Ilaah bari.
- In masaakiinta, maatada iyo danyarta loo loogo
xoolo ( digaag, ari, lo’ iyo geel), ay weheliyaan kalluunka
noocyadiisa kala duwan – muddo 11 maalmood ah… si
shuushka, sharka iyo shaydaanku uga qaxaan Caasimadda.
Haddaba, haddii intaas oo dhan si daacad iyo
Alle ka cabsi ah loo sameeyo, maxaa ka dhalan kara oo waxtar ah?
Waxtarka ka imaan kara arrintaan,wuxuu Soomaali badankeed ugu
muuqdaa inuu leeyahay doc ka yeellooyin (side effects).
Kiniiniga Nabaddu ma laha dhib iyo doc kayeello
toona. Laakiin Soomaali fara badan ayaa qabta ama filaysa in waxtarka
ka dhalan kara liqidda Kiniiniga uu Wadkood noqonayo!!!
Waxtarradaas aan wejiga la siin karin, waxaa ka mid ah:-
- Waayeelka (adults) soomaalida ayaa wada qaangaar
noqon lahaa. Illaa hadda waxaa falalkooda iyo hadalkooda loo saariyaa
Ahlu qubuurta.
- Qabqable siyaasadeed, gafane qurbajooje, shisheeye
u kalkaale, sharwade shilin bartay,iwm. ayaa hawlgab(pension)
noqon lahaa.
- Dulmiwade iyo Danayste isku qariya qabiil,
gobol, aqoon sare, Diin, reer galbeed, carab, halgan, muqaawimo,
siyaasad ayaa Soomaaliya ka haajiri lahaa.
- Qurbaha oo laga soo wada guuri lahaa.
- Warbaahin-beeleedyada (tribal Media) oo waayi
lahaa been, diradiro, shar iyo dulmi ay sheegaan, albaabadana
loo laabi lahaa.
- Amxaarada oo shaqo la’aani ku dhici
lahayd, kedibna tartiib isaga bixi lahayd. Illayn fadhi uma yaallee…(Haddii
Soomaali heshiisoo israacdoo isku bururtoo waddaninimo la wada
mirqaanto!!!!!!!!Gaajo, cudur, jahli, abaar iyo shisheeye noocyadiisa
kala duwan oo wada socdaa nama haweysan(nuguma dhici) kareen!!!!)
- Ragga ku adeegta inay yihiin afhayeennada,
odayaasha iyo nabadoon beeleedyada ayaa Soomaaliweyn is tusi lahayd
oo dhuuman lahaa.( Ceebay tacaal baa ka dhici lahayd ama iqariyoo
iqari)
- Cid ku soo cararta jagooyinkii markii hore loo dagaalamayey
( af & addinba), sida madaxda sare ee dawladda oo la waayi
lahaa. Haddii dibuheshiin dhacdo oo xaqu soo daalaco, ninna ku
degdegi mayo jago ama xil lugula xisaabtamayo oo uusan wax gaar
ah ka xantoobsan karin.
Ugu
dambaystii, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu naga dhigo kuwii isturxaan
bixiya, tashwiishkana iska saara, si dhab ahna isu cafiya una
heshiiya. Xooggeenna, garaadkeenna iyo caqligeennu waxay ku xiran
yihiin xubnaheenna oo dib isu wada qabsada. Waxaan waxgaradka
Soomaaliyeed si kal iyo lab ah uga codsanayaa inay noqdaan kuwii
farriinta maqaalka saxa, wax ka reeba, wax ku dara ama hirgeliya.
Qaybta afraad– Part 4
dhamaad
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
Hashiyosman@hotmail.com
22.Oktoobar.2008
Xafiiska Wararka
www.falaar.com
falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com
|