Qebtii
2-aad
Sida la wada og yahay, waxaa illaa hadda weli ka jira gobolka
Banaadir, dhibaatooyin fara badan oo isugu jira dil, dhac, gaajo,
cudur iyo barakac. Markaad raadiyaasha dhegeysatid ama telefishanada
daawatid, naftu kuma siin karto inaad ku sii raagtid. Calool
xumo iyo ciil baa kula soo dersaya. Carruur, haween iyo waayeel
dhib iyo qahar ka muuqdaan baad arkaysaa. Amxaaro, Muqaawimo,
DKMG, Amisom iyo Mooryaan iscayrsanaysa baa hadba ku dhex durduriya
ama agtooda ku dagaalama!!
waxaa iyana nasoo galay amuuro halis ahoo aynu wararka adduunka
ka dhegeysan jirnay: Culimmo qaarkeed legdamayo oo dibir isla
raba; Ruux kaa aragti duwan ama aan kula jaal ahayn oo murtadnimo
lugu shaabadeeyo; Dilal qorshaysan oo casriyeysan oo aynu awal
filimada keliya ku arki jirnay!!
Dhanka kale, waxaan weli joogsan qulqulka Soomaalidu ay dibedda
ugu qaxayso. Lama degaanka saxaaraha ee u dhexeeya Suudaan iyo
Liibiya, badda cas (Red sea) iyo tan dhexe (Mediterranean sea)
ayaa si joogta ah loogu le’anayaa. Amuuraha hadda ka taagan
Xamar yaa ka mas’uul ah? Ma amxaarada? Ma qoladii u yeeratay?
Ma shisheeye? Ma shaydaan? Ma Jin? Mise wax kalaa jiri kara?
Intaan ku dhex jiray isla hadalka iyo hammiga, ayaan hal mar
waxaan dhugtay cajaladdii aan ku khilaaweynayay, waxaan arkay
inay dhexda marayso. Illayn waxaan ahaa sida nin filim kala
qabsaday qaybta labaad (secondo tempo) oo kale!
Intaan cajaladdii joojiyay oo gadaal u ceshay baan
soo bilaabay………..
Soomaalidu weligeed waa diriri jireen, rag baa islayn jiray,
xoolaa la kala dhici jiray. Haddaba maxaa Xamar ka dhacay 1991kii?
Ma rag baa diriray? Mise…?
Waxaan horay loo soo arag loona maqal, oo dhaqankeenna suubban
iyo islaanimada meelna kasoo gelin baa dhacay. Ka sokow, dagaaladii
ragga hubaysan u dhexeeyay, waxaa dhacay Gumaad iyo Xasuuq!
Cid loo aabbayeelay ma jirin. Carruur, qaarkood uurka ku jiraan;
haween (ugub, xaas, hooyo, garoob, carmal, habar) iyo odayaal
baa laga dhigay wax la laayay, la dhacay, la faraxumeeyay, ama
la barakiciyay.
Derisnimo, saaxiibtinimo, reer abtinimo, xididnimo, soomaalinimo
iyo islaanimoba dad fara badan oo aan waxba galabsan baa ku
badbaadi kari waaayay oo aakhiro iyo adduun salkii loo kala
diray!!!
Waxaan shaki ku jirin in jabhadihii la dirirayay xukuumaddii
Maxamed Siyaad Barre (Allaha u naxariiste), ay isku hadaf iyo
himilo ahaayeen..
Giddigood waxaa loo aasaasay inay waddanka badbaadiyaan. Haddaba,
Yaa baddalay ama qaloociyay hadafkii iyo ujeeddooyinkii jabhaddii
xamar soo gashay? Rag fara ku tiris ah ayaa ibtilada dhacday
ka mas’uul ahaa. Raggaasi waxay godob iyo dembi adduun
iyo aakhiraba u soo jiideen tolweynaha ay ka dhasheen. Waxaa
horey loo yiri, “haddaad rabtid inaad dadweyne ama tolweyne
kicisid ama qancisid, la hadal shucuurtooda ( u sheeg waxay
jecel yihiin); ninna garaadkiisa la hadal; marwana qalbigeeda
.
Dadweyne ama bulsho hadba dhinacii la rabo (shar & khayr)
baa loo yaacin kara, laakiin in nin keligii la qanciyo ama la
kiciyo ma sahlana.
Hadafka qoran ee jabhaddii xamar soo gashay, wuxuu ahaa inay
shacabka xamar gaar ahaan iyo soomaaliweyn guudahaan, ka xoreeyaan
maamulkii markaas joogay. Dastuurkii iyo ujeeddooyinkii u qornaa
jabhadda iyo Xamar cadde wixii ka dhacay wax shaqo isku leh
maahayn. Yaa himilooyinkii wan wanaagsanaa ee Roma lugu soo
qoray 1989kii u rogay “war aynu reer hebel wada hoobinno’
iyo ‘Caasimadda annagaa iska leh!!!’?
Hadaf aan dastuurkii jabhadda ku qornayn ayaa meesha kasoo
baxay: Xukuumaddii iyo shacabkii la rabay in laga badbaadiyo
ayaa cagta cagta loo saaray!!! Halkaasna Waxaa shacabkii xamar
u bilawday nooc cusub oo ah oroddada dhaadheer(Marathon) oo
xowli iyo xiin (ama fagax dheer) ku socda. Kooxdii Cabdi Bile
loogu magac daray ee la gaari kari waayay ayaa noqotay Fagaxdii
koowaad (1st long Heat).
Xamar waxaa joogay xukuumad iyo shacabweyne. Labadoodiina bannaanka
ayaa laga dhigay! Haddii geelii la dhaqan lahaa uu kala noqdo
mid baxsaday, mid la qashay iyo mid dugaag ku cunay halka loo
yaqaan ‘Habaar waarid’ ee u dhexeysa Kismaayo iyo
xudduudka Kenya…Haddee keenada, dabarka, usha, tooreyda
iyo qorigu noqon mayaan GEEL!!! Sideedaba, hadduu nin rabo inuu
soo dhacsado fardo ama geel laga haysto, ama kuwa uusan lahayn
soo dhac is yiraahdo, caqligu siin mayo inuu giddi xabad kala
daalo…. Halkaasna ay fardo/geel la’aani ku dhacdo.
Xamar waxaa isugu soo haray hoggaamiyeyaashii guulaystayaasha,
qoysaskooda, ehelkooda, qaraabadooda iyo ciidamadoodii –
oo isku noqday, tusaale ahaan, reer boqor(Royal family). Haddaba,
reer boqor looguma talagelin inay is xukumaan, waa inay helaan
dadweyne (raaciye) ama shacab ay maamulaan. Mana heli karaan.
Sababtoo ah, iyagaa shacabweynihii u qaybiyay kuwa la dilay
ama dibedda u cararay!!!
Waxaa laga fursan waayay in, ’Inta xamar soo gashay ay
is xukumaan! Sidee ruux raba inuu taliyo, u yeeli karaa in loo
taliyo? Waxaa isku dhacay intii guulaysatay! Khasaarihii ugu
horreeyay wuxuu ku dhacay xamar. Magaaladii oo dhan waa burburtay.
Haddaba, tii lugu dhigay kooxdii fagaxda koowaad, mid ka daran
bay isku dhigeen. Kuwoodii laga adkaaday baa noqday kooxdii
fagaxda labaad (2nd long Heat). Kooxdaan 2aad, dulmigii, godobtii
iyo gumaadkii ay u gaysteen kooxdii 1aad, baa iyagana loo gaystay!
Xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa laysugu tegey, iyadoo la wada
yahay dhibbanayaal(victims). Waa laga wada sii haajiray oo Yurub
iyo Ameerika laysaga daba yimid. Orodku weli ma dhammaan oo
haddadaan aan sadarkaan qorayo, waxaa jidka kusoo jira horin
ka mid ah kooxda fagaxda 18naad (18th long Heat)!!!!!!
Magaaladii xamar waxay noqotay gobollo yaryaroo wada yaal!
Xamar waxay ahayd magaala madaxdii Soomaaliya, mana jiri jirin
cid si gaar ah u sheegata. Soomaali – summad kastay lahayd
– oo dhan baa wada degganayd oo hanti ku lahayd.
Waxaa ayaandarro ah, in ay jiraan dad farabadan oo dalkii
iyo dibeddaba ku kala nool, oo qaarkood ay jaamacado dhammeeyeen,
oo weli la soo taagan, ‘Caasimadda Soomaaliya (magaalada
Xamar) annagaa iska leh!!!’ Illaan ceeb looma dhinto!!!!!!!
La garay hanti gaar ahaaneed (private property) oo qofi wuu
oran karaa, matalan, ‘gurigaan, beertaan, dukaankaan,
baabuurkaan, xoolahaan, iwm. Anigaa iska leh’ Laakiin
‘Magaaladaan,degmadaan ama gobolkaan anigaa(annagaa) iska
leh’, waa arrin runtii laga yaxyaxo. Hadalhayntii Soomaaliya
inteedii kale waa dhammaatay. Waxaa isku micne (synonyme) noqday
-illaa haddadaan- ereyada Mogadishu(xamar) iyo Soomaaliya. Haddii
Soomaaliya laga hadlo waa Mogadishu, markii Mogadisho laga hadlana
waa Soomaaliya!!!
Kooxihii
hore ee orodku u dhammaaday ee qurbajoogga noqday, kama aysan
dhex bixin cayaaraha, oo waxay noqdeen tababarayaal (trainers).
Waxay meherad iyo caqli ka dhigteen: Qaylodhaan, sal kicin,
beenabuur, dhiirrigelin, maalgelin iyo diradiro ku wajahan kooxaha
weli ku sugan geeska Afrika. Hadafkoodu wuxuu noqday, inaan
marnaba fagaxda iyo feerojebintu joogsan!!!!
Qeybtii 2-aad
la soco qeyb kale
Xaashi Yaasiin Cismaan
Switzerland
Hashiyosman@hotmail.com