SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
25/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Farmaajo oo la kulmay Sheikh Tamim bin Hamad

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Doha ee Dalka Qadar, Kadib Casuumad rasmi ah oo uu ka helay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweynaha waxaa Safarkiisa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana maanta la kulmi doonaan Wasirrada dhiggooda ah.

Madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani, waxayna ka wada hadleen arrimaha Amniga, Abaaraha, sidii Dowladda Soomaaliya ay taageero uga heli laheyd dalalka ay saaxiibada yihiin iyo waxybaabo kale.


Sidoo kale maanta waxaa jiri dooona Kulan Madaxweynaha Soomaaliya uu la qaadan doono Madaxda ugu sareysa dalka Qadar, wuxuuna kala hadli doona arrimo badan oo Soomaaliya la xiriira.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu Wadaa in caawa hadii uu Alle idmo Kulan balaaran la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.

Booqashadan, ayaa waxay noqoneysaa middii ugu horeysay uu Farmaajo ku taggo Qatar, waxayna ka dhigan tahay booqashadiisii 10-aad oo dalalka dibadda uu ugu amba baxo, tan iyo markii uu xilka qabtay.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®