SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
25/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Turkiga oo ka qeyb qaadanaya dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya

 


Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar ayaa sheegay Dowladda Turkiga in ay ka qeyb qaadaneyso Mashaariicda Hormarineed ee Soomaaliya, dib u dhiska Ciidanka iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Olgan Bekar oo wareysi siinayay Daily Sabah ayaa sheegay Turkiga in uu ka go’an yahay in uu sii wado Taageerada iyo garab istaaga uu u sameynayo Soomaaliya, si loo gaaro guulo hormar leh.

Sidoo kale Bekar ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii loo heli lahaa Ciidamo quwad leh, kuwaasi oo Dagaal adag la geli kara Shabaab, amniga guud ee Soomaaliya-na kala wareegi kara Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.


“Turkiga waxa uu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka, xoojinta Ciidamada Soomaaliya, Hormarinta kaabayaasha Dhaqaalaha, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waa dad diyaar u ah in dalkooda uu hormaro, annagana garab ayaanu ku siineynaa” Ayuu yiri Olgan Bekar.

Ugu dambeyntii Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya ayaa sheegay in ay talaabadan qeyb ka tahay horumarinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in ay ka faa’iideystaan dadaalada iyo Mashariicda dalkiisu ka fulinayo Soomaaliya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®