SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
23/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Lagu La’yahay Xeebaha Dalka Talyaaniga

 

Ciidamada Badda dalka Talyaaniga ayaa inta u dhaxeysa Xeebaha dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ka baadi goobaya Dooni ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah oo mudo saacado ah ku dhex maqan Xeebaha Talyaaniga iyo Liibiya.

Saraakiil u hadashay dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay shegeen in doontaas ay saarnaayeen in ka badan 100,tahriibayaal ah kuwaas oo aan weli lahelin balse ay ku rajo weyn yihiin in saacadaha soo socdo in ay soo bad baadiyaan.

Muhaajiriintaan ayaa la sheegay in ay yihiin badankood kuwo u dhashay Qaarada Afrika,islamarkaana ay ka soo bexeen dalka Liibiya iyagoo doonaya in ay tagaan dalka Talyaaniga kadibna uga sii gudbaan Qaarada Yurub inteeda kale si ay uga shaqeestaan.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa dhowr mar soo badbaadiyay kumanaan muhaajiriin ah kuwaas oo qaarkood geeriyooday,waxana hada Saraakiisha Ciidamada talyaaniga ay rajeynayaan in ay ku guuleestaan badbadinta dadkaas.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®