Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya
in Xalay Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda ay ku Dagaalameen
Degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Goobaha lagu dagaalamay waxaa ka mida Laanta-buuro iyo
Number-50,waxaana aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay Weerarka
dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa la sheegay in ay Afduubteen
illaa 40 Qof oo Shacab ah islamarkaana ay Dab qabadsiiyeen
in kabadan 10 Tuulo oo ku yaalla Gobolka Shabellaha Hoose.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha
Hoose ayaa noo Xaqiijiyay in Al-shabaab ay Afduubteen illaa
40 Qof oo Shacab ah oo aan la ogeyn illaa hadda meel ay
la aadeen.
HOME