Wararka naga soo gaaraya magaaladda Gaalkacyo ee xarunta
gobolka Mudug ayaa sheegaya in lagu guuleystay in lakala
qaado maleeshiyaad isku horfadhiyay duleedka magaaladaas.
Shacabka magaaladda ayaa cabsi weyn ka qabay in Puntland
iyo Galmudug ay mar kale dagaalamaan, kadib markii maleeshiyaad
hubeysan ay dhawaan ku dirireen duledka magaaladda ayna
mudo is horfadhiyeen.
Laakiin odayaasha dhaqanka oo kaashanaya maamulada Puntland
iyo Galmudug ee magaaladda Gaalkacyo ayaa ku guuleystay
iney kala qaadaan ciidamadaas.
“Waxaan ku guuleysanay inaan kala qaadno ciidamada
oo mudo is horfadhiyay”sidaas waxaa xaqiijiyay Suldaan
C.Naasir Jaamac Seed oo kamid ah waxgaradka magaaladda.
Sidoo kale, waxgaradka labada maamul ayaa bilaabay iney
ka xaajoodaan dad ay iska dileen labada dhinac oo beel ahaan
iyo dhaqan lagu xaliyo si dagaal looga hortago.
HOME