SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo Sarkaal lagu qaarajiyey

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in nin hubeysan uu gudaha Magaaladaas uu ku dilay Warsan Faarax Yacquub oo ahayd Sarkaalad ka tirsan Ciidanka booliska Puntland.


Nin ku hubaysan Qori ayaa ku dilay magaalada Gaalkacyo wuxuuna markii hore isku dayey inuu waxyeelo u gaysto Jirkeedda kadib markii ay la dagaashay ayuu xabad ku dhuftay taas oo markiiba ay u geeriyootay.

Marxuumada la dilay ayaa intii aysan dhiman ka hor ka shaqaynaysay meel meherad ah oo ay ku gadi jirtay Cunnada Fudud, waxayna dadka Magaalada Gaalkacyo ay aad u hadal hayaan falkaan dhacay.

Ciidamada amanka Maamulka Puntland ayaa gaaray goobta u dilka ka dhacay waxayna baadi-goobayaan ninkii ka dambeeyay dilka Warsan Faarax Yacquub oo ahayd sarkaalad ka tirsan Ciidanka booliska Puntland.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®