SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah Faahin: Dagaal Xoogan oo ka dhacay duleedka Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

 


Ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii Dagaalamay ahaa ayaa ku Geeriyooday weerar xalay Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Burtaale ee hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Weerarka Xarakada Al Shabaab ay ku soo qaadeen Saldhigyada Ciidamadooda.

Warar ayaa sheegaya in Al Shabaab Saacado kooban ay heysteen deegaanka weerarka uu ka dhacay ee Burtaale.

Hase ahaatee waxaa arrintaas beeniyay Guddoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane kaas oo sheegay in Al Shabaab ay iska caabiyeen kuna qasbeen in ay dib u celiyaan.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®