SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dib u Dhac Ku Yimid Xafladii Caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug

 

Sida ay sheegayaan warar soo baxaya waxaa dib loo dhigay Xafladii Caleema-saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug axmed Ducaale Geelle Xaaf oo lagu waday in ay dhacdo 24-ka bishaan oo ku beegan maalinta arbacada ah.


Xafladda Caleemasaarka oo ugu danbeyn la filayey inay dhacdo maalinta Arbacada 24-ka Bishan may ee 2017-ka, Balse waxaa soo baxaya in laga dhigay Sabtiga soo socda oo taariikhdu ku beegan tahay 27-ka May.

Ma cadda ujeedada dib u dhaca caleemasaarka, balse waxaa wararka qaar sheegayaan in wufuuda ka qeyb galaysa Xafladda Caleema-saarka dartood dib loogu dhigay.

Sidoo kale horey ayaa dhowr jeer waxaa dib u dhac ku yimid doorashadii Madaxweynaha, inkastoo lagu guuleystay ugu danbeyn in 3 Bishaan loo doortay Axmed Ducaale Xaaf madaxweynaha Galmudug muddo 2 sano ah.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®