Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay dilalkii
dhawaan ka dhacayay magalada muqdisho ee loo geysanayay
dadkii soo doortay Xildhibanada Barlamaanka Soomaaliya kuwaasi
oo Qaarkood lagu dilay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan
Cumar Cusmaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka
xun tahay dilalka lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay keeni doonto
qorshayaal cusub oo looga hortagaayo dilalka lagu haayo
Shacabka Soomaaliyeed.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay
dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Ergooyinkii Soo doortay
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
HOME