SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Saraakiil sare oo ka tirsan Ha'ada IOM Socdaalka Adduunka


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya Cabdi Saciid Faarax Juxa ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa ugu sareeya Hay’adda Socdaalka Adduunka Ee marka Magaceeda la soo gaabiyo la yiraado IOM.

Cabdi Saciid Faarax Juxa iyo Wafdiga IOM ayaa ka wada hadlay in Arrimo ay ka mid yihiin in Dowladda Federaalka laga Gacan siiyo Tahriibka islamarkaana Dadka Soomaalida ah ee Dibadda laga soo celinayo loo sameeyo Barnaamijyo ay kaga Maarmaan in ay mar kale dib ugu laabtaan Wadamadii laga soo Celiyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Cabdi Saciid Faarax ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka Adduunka ay tahay Hay’add isku Xil saartay Badbaadinta Dhalinyarada ka Cararaya Wadankoodii,waxaana uu xusay in Dowladda Federaalka ay sameysay Qorshe Cad oo wax loogu qabanayo dadka Dib loogu soo celinayo Soomaaliya.

Jimcadii la soo dhaafay ayey aheyd markii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho laga soo dejiyay 67 Ruux oo Soomaali ah,kuwaas oo laga soo Masaafuriyay Wadanka Mareykanka.

 

 


HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®