SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gaas:-“Ka Yeeli Mayno Xildhibaanada Ku Shiray Nairobi in Dowlad 3-bilood Jirta La Shideeyo”,


Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo xaflad lagu soo dhaweynayay kaga qeyb galay Magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa si kulul ugu hadlay xildhibaanada ka tirsan Labada aqalka Baarlamanka Soomaliya ee ku shiray Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Xildhibaanada labada aqal ee ku shiray magaalada Nairobi ay yihiin kuwa qaswadayaal ah, islamarkaana aysan dumin Karin Dowladda uu Hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

” Sida aad la socotaan waxaa Magaalada Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya iyo aqalka Sare,waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo,dowladda Cusub waxaa ka go’an in la dhiso Ciidan Qaran oo waajibkii Ciidan Qaran guddan jireen gutta”,ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa kusoo beegmaya xili Magalada Nairobi ee Caasimada Kenya ay ku shireen Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya iyo aqalka Sare waxayna sameysteen Kutlad ay ku sheegeen in ay tahay mid saxaysa qaladaadka Dowladda.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®