SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Puntland oo heshiis la gashay dowladda Masar

 

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Punland C/xakiin Xaaji Cumar Cameey oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay heshiis ay la galeen ganacsato ka socotay Dowladda Masar.

Waxa uu sheegay in Dowladda Masar ay Maamulka Puntland ka taageereyso dhinacyada Waxbarashada, amaanka, iyo ganacsiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ganacsatada ka socota Dowladda Masar ay heshiisyop kale kala Saxiixan doonaan Wasaarada qaar ee Maamulka Puntland.


Waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Dowladda Masar ay wax badan ugu faa’iidi lahaayeen isla markaana ay ka codsadeen in wax badan ay Masar Puntland ka taageerto.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Punland C/xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadaha ay wadaan ganacsatada Dowladda Masar ee ku sugan degaanada Puntland.

Ganacsato ka socota Dowladda Masar ayaa maalmo ka hor sooo gaaray Soomaaliya, waxa ayna wadaa Mashaariiicyo lagu hormarinayo ganacsiga Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®