SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faahfaahin Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Kenya

 


Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay degmada Liboi ee Kenya kadib markii baabuur ay la socdeen dad rayid ah ay ku qaraxday miino la dhigay waddada geeskeeda.

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ka yimid Liboi uuna u socday magaalada Gaarisa.

Sidoo kale Waxaa jira dad ku dhaawacmay Qaraxaasi oo shacab u badan.

Xiriiriyaha gobolka Waqooyi Bari ayaa Saxaafadda u sheegay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab , isagoona sheegay in ay waddaan howlgallo kala duwan oo lagula dagaalamaayo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Maxamuud Saalax in Al-Shabaab maalmihii lasoo dhaafay ay laba jibaareen Qaraxyadda iyo Weerarada ay ka geysanayaan dalka Kenya ,islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabooyin Arrintaasi looga hortagaayo.

Ugu dambeyntii Shacabka kunool gobolka Waqooyi Barri ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka.

Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay Weeraro kala duwan ka geysanaayay dalka Kenya.

Waxaana Weerar ay ku qaadeen Shalay degaanka Cumar Jilicow ay ku dileen gudoomiyihii degaankaasi iyo sidoo kale Askar.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®