SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faahfaahin Al-Shabaab oo soo Afduubtay Ciidamo Kenyaan ah Xalay

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar xooggan oo Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen degaanka Cumar Jillo oo ka mid ah degaanada oo hoos yimaada Magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Degaanka la weeraray ayaa 16 Km u jira Magaalada Mandera.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen in dableyda hubeysan ay toogasho ku dileen gudoomiyihii degaanka Cumar Jillo sidoo kalena ay dhaawaceen Askar kale.


Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya ayay sidoo kale gacanta ku dhigeen dableyda hubeysan ,waxaana la sheegay in ay usoo kaxeysteen dhanka Soomaaliya.

Askari ku sugnaa goobta uu weerarku ka dhacay ayaa Wargeyska the Star ee kasoo baxa Kenya u sheegay” Waxaa ay soo weerareen degaanka waxaa ay toogteen Gudoomiyihii oo ay ku dhufteen lix xabo labo Askarina waa ay Afduubteen ,laakiin aniga waan baxsaday” ayuu yiri mid ka mid ah Askartii Saldhiga joogtay.

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Kenya oo gurmad ah ayaa gaaray goobta, waxaana hadda halkaasi ay ka wadaan howlgallo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®