SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Qorshe Cusub oo lagu Magacaabayo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Muqdisho

 

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa wado qorshihii ugu dambeeyay ee isbadal loogu sameynayo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Codsiyada lagu doonayo in lagu noqdo Gudoomiye degmo ayaa loo gudbiyay Xogheynta Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, waxaana dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay mashquul badan laga dareemayay xarunta Dowladda Hoose ee Gobolka banaadir.

Walwalka ugu badan waxaa qaba Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka banaadir oo aaminsan in aysan haysanin fursad ay kursiga degmooyinka ugu soo noqdaan iyagoo gudoomiye Degmo ahaa labadii sano uu xilka hayay Gudoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa la sheegay in uu wado qorshe ka duwan kii lagu soo magacaabi jirey Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqi doono Iyadoo Qaab Cusub Loo Magacaabi doono degma waliba, Degmooyinka ayaa laga dhigidoonaa Gudoomiye Degmo Iyo Xoghayaha Degmada oo Kaliya, Waxaana laga reebay ku-xigeenada faraha badanaa Iyo Xilal kale oo Degmada ay laheyd.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®