SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Guddoomiyah Degmada mahadey ciidamo hoos yimada oo Gaari Dad Shacab ah Rasaaseeyay

 

Wararka ka imaanaya Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha degmadaas ay gaari ay saarnaayee dad shacab ah ku rasaaseeyeen duleedka degmadaasi.


Mid ka mid ah dadkii gaariga Saarnaa xiliga la rasaaseynayay balse ka badbaaday oo la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada ay si ku tala gal ah ay u rasaaseeyeen gaariga ay saarnaayeen dadka shacab ah, islamarkaan uu jiro dhaawac soo gaaray shacabki saarnaa gaariga.

“Ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa rasaaseeyay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo marayay duleedka degmadaas, si bareer ayay rasaas ooda ugu qaadeen, tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay, ciidamada markuu shilka dhacay kadib waxay qaateen lacago iyo alaabo kale ay shacabka ah wateen”, ayuu yiri qof gaariga saarnaa.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®