SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

DF oo Ka Codsatay Bankiyada Caalamka in Xayiraada Lacagaha Ka Qaadaan Soomaliya

 


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka codsaday Bankiyada caalamiga in xayiraada dhanka lacagaha ay ka qaadaan Soomaliya si kor looqu qaado dib u dhiska dhaqaalaha dalka.


Waxaa Madaxweynaha uu sheegay in hay’adaha lacagaha dalka ay la’hardamayaan caqabado kaga yimaada dhiggooda dibadda iyadoo intaas ay dheertahay halganka dalka loogu jiro xaqiijinta nabadgalyada.

Madaxweyanha Soomaaliya oo hadalkan jeediyay intii lagu guda jiray shirkii magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay in maamulka dowlada ay qaadi doonto talaabooyin ku aadan in wadanka uu hiigsado mustaqbal horay u socod leh iyo in la’qaado xayiraadda dhanka lacagaha oo uu sheegay in marnaba aysan dhiira gelin doonin maalgeshiga iyo sare u qaadista heerarka kala duwan ee Ganacsiga.

“Marka ay timado horumarinta dhanka dhaqaalaha hantida ugu weyn ee aynu heysano waa dhiiro gelinta qeybaha kala duwan ee dadkeyga si ay ugu talaabaan qatarta dhaqaalaha”.

Waxaa Madaxweynaha uu sheegay in isku geynta lacagaha soomaaliya loo soo diro sanadkii ay gaarayaan $2 Billion balse waxa uu tilmaamay in caqabado ay kala kulmaan bankiyada boqortooyada Britain iyo mareykanka oo xayiraad dul dhigay.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®