SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madal ay Ku Mideysan Yihiin 88 Xildhibaan oo Loogu Dhawaaqay Magaalada Nairobi

 

Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa loogu dhawaaqay Xalay Madal ay ku mideysan yihiin 88 Xildhibaan oo ka kala Tirsan Golaha Shacabka iyo aqalka Sare,


Xildhibaanadaan ayaa dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay shirar ku lahaa Magaalada Nairobi,waxayna Gudoomiye u doorteen Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.

Madashan ayaa noqoneysa tii ugu ballaarneyd oo ay ku midoobaan Xildhibaano boqol ku dhow, kuwaasoo maalmahan kulamo siyaasadeed iyo olole ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ka waday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/rashiid Maxamed Xidig haatana kamid ah Baarlamanka Soomaliya, ayaa loo arkaa inuu yahay nin galaangal iyo saameyn ku leh Baarlamaanka gudihiisa, isagoo ahaa ninkii Jawaari kula tartamay xilka Guddoonka Baarlamaanka doorashadii bishii Janaayo, inkastoo wareega horeba looga guuleystay.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in maalmaha soo socda la soo dhameystiri doono xubnaha Hoggaanka Madashan, oo noqon doona kuwo leh Gole Fulin iyo Gole dhexe, iyadoo maanta kaliya la doortay Xildhibaan C/rashiid Xidig.

Ujeedka loogu dhawaaqay Madashaan cusub ayaa lagu sheegay mid isla xisaabtan la sameynaysa Xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre,waxaana la aaminsan yahay in Madaxweynaha iyo raisulwasaare ay cadaadis kala kulmi karaan madashaan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®