SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Yaa Ethopia Siiyay Saamiga 19% Dhaqliga Laga Helo Dekadda Magaalada Berbera?

 

Berbera ee Gobolka Saaxil oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka Shirkadda DPWLD ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka carabta waxaa hore loo ogaa in wixii kasoo baxa 65% ay leedahay Shirkada DPWLD, %35 ay leedahay Somaliland, waxaa dhowaan soo baxay warar ku aadan in saami ah 19% ay dekadda ku leedahay Dowladda Itoobiya oo xuduud la leh Maamulka Somali-land.


Wasiirka Ganacsiga Maamulka Somaliland Cumar Shuceyb, oo dhawaan warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysay ayaa sheegay in uu jiro guuxaas.

Balse Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Deyr oo shalay warbaahinta warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay arinta ku aadna in Ethopia ay ku leedahay Saami Dekada Magaalada Barbera.

“Wasiirka hadalkiisa waa dhegaystay, Wasiirku ma odhan Dowladda Somaliland ayaa 19% siisay Itoobiya, waxaa uu wasiirku yidhi dowladda Itoobiya waxay leedahay 19%, isweydiintu waxaytahay yaa siiyey”.

‘Shirkada DPWLD waxay leedahay 65% Somalilandna waxay leedahay 35%, Baarlamaanka taasi buu ansixiyey, Heshiiska waxaa ku qoran cidda saamiga badan leh ama cid walba hadii ay doonayso saamigooda inay cidkale siiso waa u madaxbanaantahay. Sidaasi darteed 19% itoobiya la siiyay mahan saamigii Somaliland, DPWORLD ayaa bixisay oo saamigeedii 19% ku wareejisay Itoobiya xaqna ay u leedahay”, ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®