SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
13/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Somali-land oo Ruushka ka raadineysa Aqoonsi

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa la kulmay Ku­xigeenka Qunsuliyada Ruushkaee fadhigiisu yahay Jabuuti Mr. Yury Kourchakov, Waana markii u horreysay ee muddo 38 sannadoodah diblomaasiyiin Ruush ahi yimaadaan Somaliland weftigani waxay ka wadahadleen Wasiirka Khaarajiga sidii loo balarin lahaa cilaaqaadka labada dal.


Wasiirku wuxuu u sharraxay halganka ay ugu jirto dalkeeda caawimo la’aan, isla markaana ay tahay meel dimuqraadiyadu ka tisqaaday oo guul weyn oo aan la dafiri karin ka gaadhay, halka dalka la jaarka ah eeSoomaaliya ay ka jirto xasilooni darro.

Wasiir Sacad waxa uu sheegay in Somaliland ay heli doonto aqoonsiga caalamiga ah oo ah mid u qalanto. Waxa kaloo uu intaas ku daray in ictiraafka Somaliland ay maslaxadi ugu jirto caalamka sababta oo ahnabadda iyo xasiloonida mandaqada.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Jabuuti, oo waday Ku­xigeenka Qunsulka Ruushka, ayaa kulanka Wasiirka ka hor,la yeeshay shir midho­dhal ah Wakiilka Somaliland oo arrintaas ka hadlayay wuxuu yidhi; “Waxaan filayaa inaad arki doontid nabadda iyo xasiloonida Somaliland ku naaloonayso, waxaynu u socdaali doonaa Berbera iyo meelahakale ee taariikhiga ah ee Somaliland.”

Diblomaasigan Ruushka ayaa u mahadceliyay Wasiirka Khaarajiga Somaliland sida diiran ee uu u soo dhaweeyay,waxaanu sheegay inuu booqasho kale ku iman doono Somaliland,”ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimahadibadda.

Dhanka kale kalena booqashada diblomaasigani waxay ku soo beegantay xili Somaliland aysaldhig millatari ka siisay dawladda Isu­tagga Imaaraadka carabta Madaarka Berbera oo Ruushku dhisay xiligii uusocday dagaalkii qaboobaa ee adduunku.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®