SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
09/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Afhayeenka Al-shabaab oo sheegtay in ay Goof-gaduud ay ku dileen 17 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda

 

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa sheegay in ay Dileen 17 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya markii ay Dagaal Xoogan ay ku soo qaadeen Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.

Afhayeenka Al-shabaab dhanka Howlgalada C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa sheegay in Dagaalka ay ku qabsadeen Goofgaduud ay ku dileen 17 Askari Hub iyo Gaadiidna ay ku furteen.

Ciidamadii Dowladda ee laga qabsaday Goof-gaduud ayaa Magaalada uga baxay dhanka Dhanka Bari ee Magaalada.

Shabaabka ayaa hadda si buuxda Gacanta ugu haya Degaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®