SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
09/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kaaliyihii Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Lagu Toogtay Muqdisho

 

Wararka naga soo gaarayo degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in xalay lagu dilay degmadaas kaaliyihii guddoomiyaha maxkamada sare oo lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Mursal Aw Cumar.

Kooxo bastooladu ku hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen Marxuumka oo ku sugnaa Waabari, islamarkaana ay goobta ka baxsadeen dilka kadib.

Marxuum Mursal Aw Cumar ayaa ka mid ahaa xubnaha aadka ugu dhawaa xaga shaqada guddoomiyaha maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.


Ilo ku dhow Maxkamada ayaa xaqaiijyey dilka marxuumka , waxaana ay sheegeen inuu socdo baarirtaan la xariira dilka kaaliyihii guddomiyaha maxkamada sare.

Indhawaanahan Muqdisho waxaa ka dhacayey falal lidi ku ah amaanka, sida dilalka qorsheysan iyo qaraxyada oo uu ugu danbeeyey qaraxii shalay ka dhacay wadada Maka-almukarama,gaar ahaan ka soo horjeedka Shaneemo Soomaaliya, kaasi oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®