SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Nin 25 Sano ku shaqaysanayay Sixirka oo Booliiska Boosaaso Gacanta Ku Dhigeen

 

Ciidamada booliska Magaalada Boosaaso ayaa xabsiga dhigay nin muddo 25 sanno ku shaqaysanayay sixirka iyo nin kale oo kaaliye u ahaa, kaasi oo magaaladda yimid sanadkii 1992dii.

Taliyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Labada nin ay ka soo qabteen guri ku yaal mid ka mid ah xaafadaha magaaladda, wuxuuna soo bandhigay alaabo kala duwan oo uu sheegay inay u adeegsan jireen sixirka, kuwasoo ka koobnaa Lafo Ari oo shiilan, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaanka loo yaqaan Caana-qubta, salool buskud iyo waxyaabo kale oo la misku tidcay.

‘’Nimankaan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayay keeneen, waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray, maadama ay Saaxiriin yihiin baaris ayaa ku socota, waxa uu wato Gurigiisa ayaa laga soo qaaday’’ Ayuu yiri taliyuh.

Ninkan saaxirka ah oo lagu magacaabayo Maxamed Cismaan Yuusuf, ayaa oo da’diisa lagu qiyaasay 50-sano, wuxuu sheegay inuu 25-sano uu rooxaan iyo mingis soo dajinayay, isagoo adeegsanaya Lafo Ari, Caws iyo Alaabo kale oo qashin u badnaa oo lagu qabtay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®