SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al-shabaab oo Beeniyay Hadal Dowladda Soomaliya Kasoo Baxay

 

Max’med Abu Osama balse magaciisa dhabta uu yahay Macalin Cismaan Cabdi Badil oo ah Gudoomiyaha Xarakada Al-shabaab ayaa beeniyay hadal kasoo baxay Dowladdda Soomaliya oo ku adanaa in lagu dilay dagaalkii 5-tii bishaan ka dhacay deegaano ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose.


Isagoo wareysi siinayay idaacadda Alfurqaan ayuu Gudoomiyaha Xarakada Al Shabaab Ee Shabeelaha Hoose Sheekh Max’med Abu Osama wuxuu faah faahin dheeri ah ka bixiyay dagaalkii dhexmaray ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Xarakada Al-shaabab kaasi oo ka dhacay deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Abu Osama ayaa sheegay in weerarkii Daarusalaam uu banaanka soo dhigay waa siduu hadalka u dhigee guuldarada ciidamada Mareykanka, islamarkaana Ciidamada Al-shabaab aysan baneenin goobihii ay horey ugu sugnaayeen sida deeganada Biriire NO50 iyo deegaanka daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur dalka Soomaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Enjineer C/raxmaan Osmaan Yariisow ayaa shalay sheegay in dowladda Soomaliya ay qaarijisay Hoggaamiyahii Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Macalin Cismaan Cabdi Badil balse Al-shabaab dhexdooda loogu yaqaano Max’med Abu Osama.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®