SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Shariif Xasan oo lagu eedeeyay in uu Is’hortaag ku sameeyay Howlgal ka dhan ah Al Shabaab

 


Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu is hortaag ku sameeyay qorsho la isugu furay rabay waddooyinka ay go’doomiyeen Al Shabaab ee Gobollada Baay iyo Bakool.

Mudane Dhubad Maxamed Dhaqane ayaa hoosta ka xariiqay in iyadoo la doonayo howlgal ka dhan ah meelaha ay Gobolladaasi kaga sugan yihiin Al Shabaab lagu qaado uu is hortaag ku sameeyay Madaxweyne Shariif Xasan.

“ Is hortaaga Shariif Xasan waxa ay saameyn ku yeelatay shacabka deegaanadaasi Baay iyo Bakool ka tirsan ku nool ee Al Shabaab ay ku geedaaman yihiin” sidaas waxaa yiri Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane.

Ma jiro wax war ah oo uu ka soo saaray Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Eedeymaha uu u jeediyay Xildhibaankaan ka tirsan Maamulkiisa.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®