SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
08/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Prof: Jawaari oo ka hadlay wada shaqeynta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari sheegay in wada shaqeyn Fiican ay ka dhaxeyso Xildhibaanada Aqalka Sare iyo sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay Markii la dhisaayay Aqalka Sare in laga cabsanaayay wada shaqeynta dhexmarikarta labada Gole, laakiin hadda cid walba ay shaqadooda qabsato.

Waxaana uu intaa ku daray in guddiyadda golaha Aqalka sare kan golaha shacabka lagu balamay in bishiiba mar ay kulmaan taana ay tahay xal barlamaan oo laba aqal ka kooban islamarkana hal meel uga soo wada jeeda danaha dalka iyo sharci dajinta.


Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa horay u sheegay in ay jiri doonaan khilaafaad soo kala dhex gali doona xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®