SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo La Kulmay Denjire Micheal Keating

 

Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaliya Denjire Micheal Keating.


Kulanka Labada Mas’uul ayaa ka dhacay xafiiska Denjire Micheal Keating uu ku leeyahay xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho waxaana diiradda Lagu saaray sidii qaramada midoobay ay gacan ugu geysan laheyd hormarka deeganada maamulka Galmudug iyo gacan qabashada Hogaanka Cusub.

Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka dalbaday Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaliya Denjire Micheal Keating In ay qaramada Midoobe gacan ka geysato sidii loo hormarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Maamulka Galmudug.

Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaliya Denire Micheal Keatingayaa dhankiisa sheegay in qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto sidii loo garab istaagi lahaa Dowladd goboleedka.

Dhanka kale waxyaabaha kulanka diirada lagu saaray waxaa kamid ahaa sidii Qaramada midoobay ay gacan u geysan laheyd wada-hadalka lala galayo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeaca.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®