SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Stephen Schwart:-“Way Naga Go’an Tahay Xasilinta Wadanka Soomaliya”,

 

Ambassador Stephen Michael Schwart Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay askarigii Al-Shabaab ay Mareykanka kaga dileen meel 60 KM u jirta Muqdisho.


Ambassador Stephen ayaa waxa uu sheegay in dilka askarigaasi aynan kala dhantaali doonin sida dowladda Mareykanka ay u dooneyso in ay u garab istaagto Soomaaliya, waxuuna uu sheegay in ay mareykanka ka go’antahay garab istaagida Soomaaliya Si buu yiri ay kaga adkaadaan Al-Shabaab.

Askariga Shabaabku ay dileen oo lagu magaaci jiray Kyle Milliken ayaa ku geeriyooday iska hor imaad ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo mareykanka oo is garabsanaayo iyo Al-Shabaab todobaadkaan ku dhexmaray meel 60 KM u jirta Muqdisho.

Askarigaan laga dilay mareykanka ayaa ah askarigii ugu horeeyay ee mareykanka carada soomaaliya lagaga dilo kadib markii madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyey in Soomaaliya uu usoo dirraayo ciidamo caawiyo dowladda soomaaliya.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®