SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibaan Sheegay wadadii xilka ay uga qaadeen Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiraddu Hantidhowrka mid qaldan

 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Hanti dhawrka Qaranka Somaliya xilka uu ka qaadi karo kaliya Baarlamaanka Somaliya.

Daahir Amiin Jeesow ayaa tilmaamay in talaabo qaldan ay aheyd sida Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ay xilka ugu qaadeen Hanti dhawrka Qaranka Somaliya, islamarkana awooda xil ka qaadista ay gooni u tahay Baarlamanka Federaalka Soomaliya.

“Tusaale markaan idiin sheego hanti dhawraha waa shaqsigii la xisaabtamayey xukuumadda, haddii ay ahaan lahaayeen wasiirada ama hay’adaha kala duwan ee dowladda, marka qof kula xisaabtamayo xil maba ka qaadi kartid, Baarlamaanka ayaa xilka ka qaadi karo dastuur ahaan.” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin jeesow.

Hadal Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa kusoo beegmaya xili Todobaadkii aynu soo dhaafnay Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaliya ay shaaciyeen in xil ka qaadis lagu sameeyay Hantidhowrkii Qaranka Soomaliya Dr Nuur faarax Jimcaale, waxaana meel mariyay Madaxweynaha Soomaliy Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®