SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
04/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu xir xiray Dalka India

 


Booliska Dalka Hindiya ayaa Magaalada Hyderabad ku xiray Muwaadiniin u dhashay Dalka Soomaaliya.

Wargeyska The Hindiya ayaa daabacay in Booliska Hindia 14 Ruux oo ay ku jiraan Soomaaliya ay ku xireen Magaalada Hyderabad, kadib markii lagu eedeeyay in si sharci darro ah ay halkaasi ku joogeen.

Howlgalka lagu xiray raggan ayaa waxaa siyaabo kala duwan looga sameeyay Golconda, Humayunnagar, Asifnagar, Langerhouz, Banjara Hills, Jubilee Hills, Jaamacada Osmania iyo Malakpet.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Hyderabad, Limba Reddy ayaa waxuu sheegay in Muwaadiniintan ay ka so kala jeedaan Dalalka Soomaaliya, Yemen, Sudan, Kenya iyo Tanzania.

Waxuu qeexay Taliyaha in raggan intooda badan ay ku tageen Dalka Hindiya waxbarasho balse uu idlaaday waqtigooda, islamarkaana ay si sharci darro ah ku joogeen Dalkaasi.

Sikastaba, Dalka Hindiya ayaa la aaminsan yahay in ay ku xiran yihiin Soomaali badan kuwaasi oo badankood loo heysto kiisas lala xiriira Burcad badeednimo.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®