SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Donald Trump Iyo Valadamir Putin Oo La Filayo Inay Kulankoodii Ugu Horreeya Yeeshaan Bisha July Ee Soo Socota.

 

Hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Raashiya ayaa markii ugu horreysay waxay xalay ku wada hadleen Teleefoonka, tan iyo markii ay Maraykanka duqeeyeen dalka Syria bishii April ee la soo dhaafay.

War-saxaafadeedyo ay soo kala saareen Aqalka Cad iyo Aqalka Keremiliinka ayaa lagu sheegay inay Labada Hoggaamiye yeesheen Wada-hadal muhiim ah oo looga hadlay Xiisadda Waqooyiga Kuurya, Dagaalka Daacish iyo colaadda dalka Syria.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay inay Donald Trump iyo Valadamir Putin isku af-garteen inay labada dhinac waajib ku tahay inay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan, si loo joojiyo colaadda dalka Syria.



Labada Hoggaamiye waxay isku raaceen inay bisha July 7-da ilaa 8-da Kulan Fool-ka-fool ah ku yeeshaan dalka Jarmalka, si ay u ambaqaadaan Iskaashiga Labada Waddan ee Arrimaha Syria.

Kulankaasi ayaa waxa uu ka barbar dhici doonaa Shirka Madaxda Dowladaha Kooxda G 20, kaasi oo bishan July 7-da ka furmi doona magaalladda Hamburg ee dalka Jarmalka.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®