SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Somalia Farmaajo oo Maanta u Dhoofaya Dalka Itoobiya

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Horkacayo ayaa Maanta oo Arbaco ah tagi doona Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Wadanka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Addis kula kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hayla Maryam Desalin,waxaana la sheegay Qodobada ay ka wada hadli doonaan in ay ka mid yihiin qadiyadda dhinaca amaanka xiriirka labada dal iyo arimaha bini aadanimo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Itoobiya kula kulmi doona gudoomiyaha Midowga Africa Musa Faki.

Booqashada Farmaajo uu Maanta ku Tagayo Itoobiya ayaa ah middii Lixaad oo uu Dalka kaga baxo,waxaana uu horay Safaro ugu tagay Sacuudiga,Imaaraadka,Urdun Kenya iyo Turkiga.

Hasayeeshee Booqashada Itoobiya oo ah Dal Saameyn weyn ku leh Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka badalan Booqashadii Madaxdii Farmaajo ka horeysay oo Safarkooda ugu horeeya ku tagi jiray Itoobiya.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®