SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Gaas ” ma aqbali doono Amni darada Gaalkacyo”

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland C /weli Maxamed Cali “ Gaas “ ayaa sheegya in Maamulkkiisa uusan aqbali doonin in amni daro ay ka sii jirto Magaalada Gaalkacyo.

C/weli Gaas ayaa sheegay in Shacabka Magaalada Gaalkacyo loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Nabada iyo amniga guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sugidda amniga iyo sidii Shacabka Gaalkacyo ay si nabad ah ugu noolaan laayeen.


Waxa uu sidoo kale Shacabka Gaalkacyo ugu baaqay in aysan u dulqaadan cid walbo oo dhib ku heysta iyo shaqsiyaadka gaarka ah ee ka shaqeynaya amni darada Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C /weli Maxamed Cali “ Gaas “ ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay mar walbo in Galmudug ay kula noolaato Nabad iyoXasilooni.

Waxa uu sheegay in Gaalkacyo ay ka wada dhaxeyso shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in nabadeeda iyo amnigeeda laga wada shaqeeyo.

Waxa uu Saraakiisha Puntland ee Gaalkacyo ku sugan ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugida amniga Magaalada Gaalkacyo

C /weli Maxamed Cali “ Gaas “Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan gaar ah oo uu Magaalada Gaalkacyo kula qaatay Saraakiisha amaanka Puntland ee Gaalkacyo ku sugan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®