SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
02/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Howlgal ka dhan ah Burcadbadeeda oo ka socda biyaha Soomaaliya

Ciidamada la dagaalanka Burcadbadeeda ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku jiraan feejignaan dheeri ah oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Sarkaal Sare oo ka mid ah Ciidamada Shiinaha ee la dagaalanka Burcadbadeeda ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ee doonaya in ay maraakiibta Afduubtaan.

Waxaa uu sheegay in 10-kii Maalmood ee lasoo dhaafay aysan dhicin wax weeraro ah ama isku day Weerar oo ay sameeyeen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.


Sidoo kale Sarkaalkaasi ayaa tilmaamay in Ciidamada la dagaalanka Burcadbadeeda ay xiriirka wanaagsan ay la leeyihiin Maraakiibta ganacsiga , islamarkaana waqti kaste ay la socdaan halka ay marayaan.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay , waxaana ay Afduubyo ku geysteen Maraakiib ganacsi.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®