SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maxkada Al-Shabaab oo dhagax iyo toogasho ku dishay laba ruux Kufsi iyo Gesytey

 

Qarakada Al Shabaab, ayaa goor dhaw fagaare ku yaalo degaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, waxa ay ku dileen laba ruux oo mid ka mid ah dilkiisa loo adeegsaday dhagax, halka midka kalena toogasho lagu dilay.

Ruuxa dhagaxa lagu dilay, ayaa Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen inuu gaystay fal kufsi ah, kadibna uu dilay gabadhii uu kufsaday walaalkeeda, iyadoo arintaasi uu ku caawiyay askari sida Al-Shabaab ay sheegeen ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Axmed Ibraahim Raagow oo 29 sano jir ah ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen inuu kufsiga ka gaystay Magaalada Baledweyne, isaga oo horay guur u soo maray.

Al Shabaab ayaa sheegay ruuxa kale ee dilka toogashada ah lagu fuliyay inuu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ninka kufsiga gaystay ka caawiyay dilka gabadha la kufsaday walaalkeed, waxaana lagu magacaabaa Yuusuf Cali Bajiin oo 22 sano jir ah.

Fagaaraha xukunka dhagax ku dilka ah iyo toogashada uu ka dhacay ee deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa Al-Shabaab ay ka sheegeen in labada ruux ee la dilay lagu soo qabta hawlgal Al-Shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xukunkaan ayaa sida al-Shabaab ay sheegeen waxaa fulisay maxkamada Al Shabaab ee Gobolka Hiiraan, waxaana saaka markii xukunka uu dhacaayay fagaaraha ku sugnaa dadweyne fara badan oo daawanaayay qaabka xukunka dhagax ku dilka ah Al-Shabaab ay u fuliyeen.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®