SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Taliyaha Milliteriga Maraykanka Ee AFRICOM.

 

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka u jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhuauser.

Kulankaasi oo ahaa mid albaabaddu u xirnaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Taliyaha iyo Abaanduulaha XDS iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz iyo Saraakiil kale.

Ilo ku dhow-dhow Madaxtooyadda ayaa sheegayo in Kulnkaasi looga hadlay Tababarka iyo Qalabaynta Ciiddanka XDS iyo Hawlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.



Ciiddamo Maraykan oo tiradooda lagu sheegay Afartameeyo ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo la sheegay inay Ciiddanka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM ka taageeri doonaan La-dagaalanka Alshabaab.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa bishii hore u fasaxay Ciiddankiisa inay Hawlgalo duqeymo dheeraad ah ka fulin doonaan gudaha Somalia, kuwaasi oo la sheegay in lala beegsanayo Dagaalamayaasha Alshabaab.

Dhinaca kale, Hay’adaha Samafalka ee ka hawlgala Somalia ayaa ka digay in duqeymahaasi lala beegsado Xarumaha iyo Deegaanadda ay ka hawl-galaan.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®