SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/05/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Hirshabeelle oo si kulul uga hadashay hadalkii Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh.

 

Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame ayaa si kulul uga hadlay hadal shalay ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Dastuur-ka ee xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil kaas oo ahaa in Baarlamanka Soomaaliya la horgeyn doono Maamul Gobaleedyada si loo sharciyeeyo.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in Maamul Gobaleedyada qaar dhismahooda ay ka horeeyeen Dowladda Dhexe halka qaarna Muran uu ka taagnaa markii la dhisayey Sidaas darteed loo baahan yahay in Sharci laga dhigo oo baarlamanka la horgeeyo.

Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame ayaa Sheegay in arintaasi ay tahay mid sheeko ah Sababtoo ah ayuu yiri maamul gobaleedyada waxay soo dhisayn dowladda dhexe iyo Baarlamanka la doonayo in la horgeeyo Sidaas darteedna aysan Marna Suurta gali doonin.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®